Digniin culus oo hawada loo mariyey baarlamaanka Puntland

Image
Fariintan ayaa ku saabsan in golaha uusan taageero u muujin "hanaanka dimuqraadiyada ee qofeysan".

GAROWE, Puntland - Ururka siyaasadeedka Dhalinyarada ee Puntland ayaa wuxuu uga digay Golaha Wakiilada dowlada Puntland in ay qayb ka noqdaan hanaanka dimuqraadiyadda Puntland ee muranka uu hareeyay.

Sidda ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay ururka, waxay aaminsan yihiin in hanaanka uu yahay "mid laga leeyahay dano shakhsiyeed isla markaana laga leexiyay marinkiisi".

Sidoo kale, ururka ayaa ku celiyay in aysan ka qayb ahayn doorashada Golayaasha Deegaanka ee lagu muran-san yahay isaga oo Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ku eedeeyay in uu ku milmay xukuumadda, Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni oo ka maqan Puntland muddo bil ah ayaa golihiisa xukuumadda ku mashquulsan yihiin doorashooyin golaha degaanka ee lagu muransan yahay, isaga oo raadinaya muddo kororsi shari darro ah.

Hay'adaha amniga Puntland iyo shaqaalaha rayidka ee Puntland ayaa mushahar qaadan muddo kor u dhaafeysa 5 bilood taasoo la rumeyan yahay in ay ka qeyb-qaadatay amni daradda.

Al-Shabaab ayaa cadaadis ammaan iyo dhaqaale waxay ka soo food-saareen koonfurta Soomaaliya sababo ku aadan gulufka dowladda taasoo kaliftey in ay awoodeeda isugu soo aruurto meelo ay kamid tahay Puntland.

Daacish ayaa dhankeeda waxay la kulantey dharbaaxo kulul ka gadaal markii Mareykanka uu duqeyn ku dilay Bilaal Al-Suudaani kaasoo la aaminsan yahay in uu ahaa maskaxda isku-haysa ilaha dhaqaalaha ee maleyshiyaadka.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA URURKA

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM