Puntland: ​Diyaarad Rasaas ku riday deegaanka katirsan Caluula [Dhagayso]

Image

CALUULA, Puntland- Diyaarad aan la aqoon cidda iska leh ayaa maanta xabado ku furtay deegaan lagu magacaabo Af-kala Haya oo qiyaastii 24 KM dhinaca Bosaso ka xigta magaalada Caluula ee gobolka Gardafuu.

Goob jooge ku sugan deegaanka Xaabo ayaa Radio Garowe u sheegay in weerarkaas uusan gaysan wax khasaaro ah marka laga reebo cabsi ay muujiyeen dadka deegaanka kuwaasoo soo helay haraadiga rasaastii ay riday Diyaaradaas oo ku socotay joog hoose.

Xaaladda ayaa iminka degan, waxaana dadka deegaanku ku tuhmayaan arrintaas Ugaarsi ay waday diyaaraddu, sida uu GO u sheegay Maxamed Yusuf Maxamed oo kamid ah waxgaradka Xaabo kaasoo xiriir la sameeyay dad goob joogayaal ah.

Maxamed ayaa sheegay waqtiga rasaasta la riday xeebta uu ka muuqday wax loo maleeyay Naberi islamarkaana ay u malaynayaan in xabadahaas lagu riday xayawaankaas ku jiray badda.

Mar wax laga weydiiyay inay jirto cabsi keeni karta in rasaas lagu rido deegaanka Af-kala Haya, wuxuu sheegay Maxamed oo kamid ah waxgaradka degmada Caluula balse ku sugan Xaabo, “Ma maqal cabsi keeni karta in xabadahaas lagu rido deegaanka, amni weeye xaalkeeduna waa daganyahay,” isagoo hadalkiisa ku daray “Horay ugama dhicin arrintan oo kale sida aan warka ku hayo, xaalku waa caadi marka laga yimaado dadka oo cabsi ka muujiya Diyaaradaha.”

Dhinaca kale, wuxuu sheegay Maxamed in degmadaas ay wali ka socoto Kalluumaysigii Sharci darrada ahaa, isagoo tilmaamay in arrintaas dhibaato ku qabaan Kalluumaysatada islamarkaana hadda marayaan inay ka fariistaan shaqooyinkoodii.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay dhinaca xukuumadda Puntland, balse Guddoomiyaha Caluula oo iminka ku sugan magaalada Bosaso, ayaa GO u sheegay in maamulka gobolka Gardafuu uu sheegay in weerarka ka dhacay inta u dhaxaysa Xaabo iyo Caluula aysan waxba ka jirin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM