Puntland oo diyaarineysa in laga jawaabo bayaankii odaaysha Nugaal

Image

GAROWE- Magaalada Garowe ayaa waxaa ka socda qaban qaabo xubno ka socda xukuumada Puntland iyo maamulka gobolka Nugaal ugu jiraan in odayaal kale oo Reer Nugalaeed ah ka jawaabaan bayaan maalntii shaley Madaxweyne Gaas lagaga codsadey inuu is-casilo.

Bayaankaan oo ay soo saareen qaar ka tirsan odayasha gobolka Nugaal ayaa dhaliyey in Ku-xigeenka Madaxweynaha Puntland islamarkaana ah ku simaha xilka Madaxweynaha uu wadatashi  sidii looga jawaabi lahaa qoraalkaan kala yeeshey qaar ka tirsan golaha wasiirada gaar ahaan kuwo xukuumada kaga jira gobolka Nugaal.

Warsidaha Garowe Onlime ayaa fahansan in xukuumada Puntland doorbidey in odayaal kale oo kasoo jeeda gobolka Nugaal jawaab ka bixiyaan  bayaankan kuwasoo laga yaabo in warsaxafadeed qabtaan 24 saac ee socota.

Lama oga in odayashaan kale ku jiri doonaan qaar ka tirsan Nabdoonada gobolka Nugaal.

Odaaysha bayaanka magalaada Garowe kasoo sarey maalinti shaley aya xukumada Madaxweyne Gaas ku eedeeyey musuqmaasuq iyo sicir barar iyagoo ugu baaqey inuu iska casilo xilka Madaxweynaha Puntland.

Bayaankaan ayaa ku soo beegmey xilli Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas safar gudashada Xajka ah ugu maqan yahay  dalka Sucuudiga.

Madaxweyne Gaas ayaa muddada xil hayntiisu ka hartey sanad iyo bar ah iyadoo la filayo in shacabka Puntland Madaxweynaha 2019 ku soo doortaan nidaamka 66 Xildhibaan kuwasoo ay soo xulan doonaan odaayaasha horjoogyaasha u ah qabaa'ilada daga mamaulkaas.


Warsidaha Garowe Online kala soco odayashaan la filayo in warsaxafadeed qabtaan 24 saac gudahood.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM