Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, 1 Nofeembar 2025 – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay magaalada Garoowe kula yeeshay bulshada Gobolka Nugaal kulan wacyigelin ah oo ku saabsan xiriirka u dhexeeya Booliiska iyo bulshada, xilli ay caasimadda kusoo wajahan yihiin ciidamo Booliis cusub oo dhawaan tababar ku soo dhammeystay magaalada Carmo.

Munaasabadda oo ka dhacday fagaaraha Jaamacadda PSU, ayaa waxaa kasoo qeyb galay xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda, La-taliyeyaal Madaxweyne, Saraakiil sare oo Booliis ah, Maamulka Gobolka Nugaal, Maamulka Degmada Garoowe, Isimo, haween, dhalinyaro, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada caasimadda.

Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyey shacabka Garoowe iyo maamulka gobolka sida ay u garab taagan yihiin qorshaha lagu horumarinayo adeegyada amniga iyo dhismaha booliis xirfad leh oo bulshada u adeega.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay dejisay qorshe horumarineed oo lagu tayeynayo Booliiska, iyadoo la diyaariyey 500 askari oo cusub oo dhowaan bilaabi doona hawlgal rasmi ah, halka 500 kale ay ku jiraan tababar ay dhawaan bilaabi doonaan.

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay – oo ay ku jiraan kuwo heer jaamacadeed ah – ay maanta ka mid yihiin ciidanka cusub ee la tababaray, taas oo muujineysa jihada cusub ee lagu tayeynayo hay’adaha amniga Puntland.

Kulankan wacyigelinta ah ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Puntland ee lagu xoojinayo kalsoonida iyo wada-shaqeynta u dhexeysa booliiska iyo bulshada, si loo hubiyo amni iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaada caasimadda iyo guud ahaan gobollada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM