Puntland oo ka qeyb-qaadaneysa xasilinta iyo horumarka Geeska Afrika

Image

GAROWE, Puntland – Hogaamiyaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlay qadiyadda Somaliland, ayaa adkeeyay soo jeedinta ah in tabashooyinka jira wada-hadal iyo is-qanci lagu dhameeyo.

Madaxweynaha oo shacabka Somaliland ugu baaqay "in aysan dayacin" midnimadda Umadda Soomaaliyeed ayaa ku waaniyey in ay ka tanaasulaan fekerka gooni u goosadka ah.

"Wixii xuquuq ah ee ka maqan, waa xuquuq dadka Soomaaliyeed kawada maqan, [waxaan ugu baaqayaa] in ay ka waan-toobaan oo ay iska daayaan in ay dadkooda iyo walaalahooda ka go'aan," ayuu xusay.

Sidda uu ka dhawaajiyay Deni, dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa "diyaar u ah in ay xaqiiqadda kala hadasho" maamulka Hargeysa.

"Dadkeena nabad, deganaansho iyo horumar baan u rabnaa," ayuu hadalkiisu ku daray, isagoo hoosta ka xariiqay "Colaad iyo dagaal ma rabno".

Puntland iyo Somaliland oo xuduud wadaaga ayaa isku haya gacan ku haynta gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn [SSC].

"Xuquuqda ay dadkan leeyihiin waxaan rabnaa in si mideysan looga shaqeeyo, waan ku kalsoonahay in Garowe iyo Hargeysa ay isku mid noqon doonan, dal wadajir ahna noqon doonan," ayuu raaciyey.

Isagoo shacabka Puntland ku booriyey in ay midnimada iyo wadajirkooda ilaaliyaan, Deni ayaa carabka ku adkeeyay in uu difaaci doono dhulka Puntland ee dastuurka xeerinayo in ay hoos-yimaadaan.

"Waxaan rajeynayaa degaanada deriska nala ah, Galmudug iyo Somaliland, in ay nabad naga dhaxeyso, inagoo xuduudaheena ilaashaneyna, iyo waxa naga wada dhaxeeyo oo ah Soomaalinimadda".

Ugu dambeyntii, madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyey in Puntland ay diyaar u tahay in ka qeyb-qaadato horumarka iyo nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM