​Dr. Maxamed Jamac Salaad oo Galkacyo lagu aasay [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- AUN waxaa maanta 19 Augost, 2017 Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug Aas qaran loogu sameyey Marxuum Maxamed Jaamac Salaad oo ahaa  gudoomiyaha Guddiga Dib u dhiska Isbitalka guud ee gobolka Mudug islamarkaana ahaa Dhakhtar daweeye cudurka Neerfaha.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa kasoo qayb galay Mas'uuliyiin ka socday xukuumadda Puntland, Xildhibaano, Isimo, waxgaradka, Dhakhaatiir iyo maamullada gobolka iyo degmada Galkacyo.

Ugu horayn waxaa ka hadlay goobta Aaska qaran loogu samaynayey Marxuumka magaalada Gaalkacyo Gudoomiyaha gobolka Mudug Xassan Maxamed Khaliif iyo sidoo kale xubno kamid ah Baarlamanka dawlada federalka Soomaaliya iyo kuwa Puntland, waxayna tacsi u direen ehelkii iyo umadda Somaliyeed uu ka baxay Dr. Maxamed Jamac Salaad oo ay ku tilmaameen inuu ahaa xubin muhiim ah oo bulshadu tabi doonto.

Wasiirka wasaarada Caafimaadka dawlada Puntland oo ku hadlayay afka xukuumadda ayaa bulshada ugu baaqay in loo duceeyo Marxuumka isagoo tacsi u diray qoyskii uu ka baxay.

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax ayaa tacsiyayn kadib sheegay in Marxuumku uusan ku koobnayn Dhakhtar ee uu ka qayb qaatay hormarka dalka, isagoo carrabka ku dhuftay in boqolaal qof uu daweeyay maanta ku noolyihiin dunida, wuxuuna dadweynaha ugu baaqay inay u duceeyaan oo ALLE u aqbalo acmaashii Khayriga ahaa ee uu qaban jiray.

Dr. Maxamed Jamac Salaad oo muddo ka howlgali jiray magaalada Galkacyo dhawaana arrimo Caafiimaad u tagay dalka Talyaaniga ayaa geeriyooday 08 Augost ee sannadkan 2017, waxaana maydkiisa galinkii hore maanta la keenay Muqdishu, halkaasoo ay kasoo raaceen mas’uuliyiin katirsan Barlamanka federaalka Somalia.

Marxuumku, wuxuu takhasuskiisu ahaa Cudurada ku dhaca Neerfaha iyo waliba qaliinka.

Halkan ka daawo Aaska loogu sameeyay magaalada Galkacyo ALLAHA U NAXARIISTEE Marxuum Dr. Maxamed Jamac Salaad

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM