Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Image

GAROWE, Soomaaliya – Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa 7-dii Luulyo fuliyay duqeyn cirka ah oo ka dhacday dooxada Baallade ee ku taalla waqooyi-bari Soomaaliya, gaar ahaan bariga gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka ISIS, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Soomaaliyeed.

Weerarkan ayaa qeyb ka ah hawlgalka wadajirka ah ee Mareykanka, Ciidanka Difaaca Puntland, ciidamada Imaaraadka Carabta iyo dagaalyahanno deegaanka ah, kuwaas oo tan iyo bishii Diseembar 2024 daba joogay firxadka ISIS ee ku dhuumaaleysanaya buuraha Cal-Miskaad. Halkaas ayay horay uga fulin jireen weerarro qorsheysan, balse muddo toddoba bilood ah kadib, inta badan dagaalyahanadii ISIS ayaa la dilay ama la qabtay, iyadoo ciidamadu guulo la taaban karo ka gaareen deegaanka buuraleyda ah.

Dooxada Baallade oo ku dhow magaalada ganacsiga ee Boosaaso, ayaa weli kamid ah goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka ISIS, balse waxaa socda dedaal xooggan oo lagu doonayo in dib loogala wareego dhammaan deegaannada ay weli gacanta ku hayaan kooxdaasi.

Taliyaha ciidamada Puntland, Jeneraal Axmed Cabdullaahi Sheekh, ayaa sheegay in weerarka cirka ee habeenimadii la fuliyay uu ahaa mid si sax ah loo bartilmaameedsaday: “Weerarkan cirka oo si guul leh uga dhacay dooxada Baallade ee Cal-Miskaad wuxuu ahaa mid sax ah, oo lagu gaaray ujeedkiisii. Wada-shaqeynta Mareykanka iyo saaxiibada kale waxay hadda si joogto ah u keeneysaa natiijooyin muuqda, gaar ahaan ciribtirka bartilmaameedyada muhiimka ah ee ISIS,” ayuu yiri.

Hawlgalka Hilaac ayaa galay marxaladiisii ugu dambeysay, iyadoo Puntland ay ku adkaysanayso in dagaalka lagu baabi'inayo kooxda ISIS uu sii socon doono ilaa laga cirib tiro gebi ahaanba.

Madaxweyne Donald Trump ayaa horraantii sannadkan 2025 si rasmi ah ugu dhawaaqay duqeyn Mareykanku ka fuliyay Soomaaliya oo lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan ISIS. Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

Puntland, oo ah dawlad-goboleedka ugu xasilloon uguna horumarsan Soomaaliya, ayaa noqotay xarunta ugu weyn ee dagaalka ka dhanka ah ISIS ee gudaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM