Edeegyo caafimaad oo laga fuliyay gobollada Puntland

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Adeegyo caafimaad oo daweyn iyo baaritaan isugu jira, ayaa wasaaradda Caafimaadka Puntland, waxay ka fulisay deegaano kala duwan oo katirsan Sagaalka gobol ee Puntland, halkaasoo ay ku nool yihiin dadka Abaartu dhaafisay hantidooda.

Kooxo caafimaad oo guur-guuraya (Mobile teams), ayaa wasaaraddu u dirtay gobolka Walba, kuwaasoo maraya, tuulooyinka iyo miyiga ay ku suganyihiin dadka dhibaatadu kasoo gaartay abaarta.

Booqasho ay ku tageen koox wariyaal ah, waxay dadku sheegeen in lasoo gaarsiiyay adeegyo caafimaad oo ay u qabteen baahi xoog leh.

Meelaha laga fulinayo barnaamijkan waxaa kamid ah gobolka Nugal, halkaas oo dadka ku nool deegaanada hoos yimaada degmada Godob jiiraan ay ka mahad-celiyeen dadaalka loo sameeyay.

Tuuladad Dudumaale intii kooxda wariyaasha ah ay u kuur-galayeen barnaamijyada dadkaas la gaarsiinayo waxay la kulmeen dadka deegaanka oo wada Roob-doon ay ALLE uga baryayaan inuu naxariistiisa ka waraabiyo.

Dhinaca kale deegaano hoos yimaada degmada Burtinle ee gobolka Nugal, ayaa kooxahaas waxay adeegyo caafimaad gaarsiiyeen boqolaal kamid ah dadkii xooluhu dhaafiyeen abaarta kajirta dalka, waxayna sheegeen inay u baahnaayeen kaalmo caafimaad oo lasoo gaarsiiyo fariisimadooda.

Dhawaan wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland, Cabdinaasir Cismaan Cuuke, ayaa sheegay in wasaaraddu kooxo caafimaad u diri doonto gobollada Puntland, si loola socdo xaaladda caafimaad ee dadka maadama lagu jiro xaalad adag.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM