Eng: Cumar Dheere oo Galkacyo lagu dilay

Image

GALKACYO- Waxaa saladdii Maqrab [07 May, 2016], magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug lagu dilay Allaha u naxariistee gudoomiyihii ganacsada gobolka Mudug islamarkaana ahaa Maareeyaha shirkadda Somtel gobolkaasi Eng. Cumar Cabdulle Maxamed ( Cumar Dheere).

Dilkaan ayaa ka dhacay masaajidka Salaama, xilli laga soo baxay tukashada salladda Maqrib.

Ruux dhalinyaro ah oo Bastoolad ku hubaysan, ayaa falkaasi gaystay siday warsidaha Garowe Online u sheegeen goob joogayaal ku sugan Galkacyo.

Lama garanayo haybta ruuxa falkaasi gaystay, mana jirto cid sheegatay mas'uliyadda dilka Allaha u naxariistee Eng. Cumar Dheere.

31 March, 2016, ayay ahayd markii qarax miino lagu dilay Allaha u naxariistee xisaabiyihii gobolka wasaaradda Maaliyadda gobolka Mudug Siciid Cali Yusuf (Gaadayare).

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM