​Ereg oo amar cusub kusoo rogay Madaarka Bosaso

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland oo ku sugan Magaalada Bossaso xarunta Gobalka Bari oo wehlinayaan Saraakiil sare sare oo laamaha ammaanka kamid ah,  ayaa maanta kullan la qaatay Maamulka  Garoonka Diyaaradaha Bossaso iyo Madaxda Laamaha nabadgalyada.

Shirkaas,  ayaa u jeedkiisu ahaa  wargalinta  wareegto  Taliska Booliiska Puntland uu ku mamnuucayay in Masuuliyiinta Puntland ee aanan ahayn Madaxweynaha,ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlmaanka aysan Garoonka Bosaso lasoo galin karin Waardiye iyo Hub.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Puntland General Cabdulqaadir Shire Faarax (Erag) ayaa Laamaha Amniga Garoonka Diyaaradaha Bossaso ku amray in Amarkaas siduu yahay u fuliyaan,Maadama Garoonku yahay halka laga Akhrisanayo Amniga Dalka.

Erag, ayaa sidoo kele sheegay in Golayaasha Dowlada Puntland uu sida ugu dhaqsiyaha Badan ugu gudbin-doono Wareegtadan uu ku mamnuucayay in Garoonka Madaxda Dowladda ee aanan ahayn Xubanaha sare la yimaadan ilaalo hubaysan,kuwaaso uu sheegay in cabsi galin karaan dadka kasoo dagaya Garoonka Caalamiga ah ee Bossaso.

Lama oga sida uu amarkaas u dhaqan gali doono, waxaana tallaabadan uu qaaday iyadoo aysan soo rogin wasaaradaha u xil-saaran arrimaha Garoonka, sida wasaaradda Amniga iyo Duulista hawada.

Dhinac akale, Taliyaha Booliska Puntland ayaa Kormeer ku tagay Saldhigyada Mijir iyo Baalade oo ka mid ah Saldhigyada Bossaso,isagoona intaas kadib booqday Xarunta Wasaarada Maaaliyada iyo Xarunta Gobalka Bari.

Ugu danbaytii,General Erag, ayaa tilmaamay inu sii wadi doono Tirakoobka Ciidamada Booliska Puntland ee ugu yimid Gobalka Bari, sidoo kale uu is-fahamsiinayo Laamaha Amaanka  iyo Shacabka Gobalkaasi ku nool.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM