Puntland: EU-da oo ka hadashay markabka la wariyey in la afduubtey

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad-badeeda Soomaaliya ayaa tafaasiil kasoo saarey Markabkii la wariyey in asbuucii hore lagu afduubtay xeebaha [biyaha] dowlada Puntland.

EU NAVFOR oo daboolka ka qaadey in uu baaritaan ku sameeyay dhacdadaas ayaa xaqiijiyey in aysan waxba ka jirin qafaalashada isla markaana markabka uu xeebaha Bareeda u tegay cilad farsamo.

Warbixinta howlgalka ayaa lagu caddeeyay in markabka uu xeebta degaankaas ka tirsan gobolka Gardafuu uu u tegay si uu uga gaashaanto bad-xiranka; xogtaan waxaa horey u baahiyey warsidaha GO.

"Mar-xaladan la joogo, dhacdadan ma noqon karto fal amni oo ka dhacay badda, balse fahfaahinta baaritaanka waanu baahin doonaa," ayaa lagu yiri qoraalka oo lagu daabacay baraha Internet-ka ee howlgalka.

Isagoo kaashanaya mas'uuliyiinta Puntland iyo diyaarado ay leedahay Japan, howlgalka EU NAVFOR ayaa qiimeyn u tegay goobta uu ku xirtay markabka, waxaana uu ogaadey in aysan jirin afduubka.

Markabkan oo lagu magacaabo AEGIAN II ku safrayey calanka Panama kana yimid dekadda Shajah ee Imaaraadka Carabta kuna sii jeeday marsadda Muqdisho wuxuu shidaal u wadday ganacsato Soomaaliyeed.

AEGIAN II oo laga leeyahay Gariiriga ayaa shalay ku xirtay dekada magaalada Boosaaso, halkaasoo uu uga sii gudbi doono Muqdisho, iyaddoo dowladda Puntland saartey ciidamo amnigiisa sugaya.

Sarkaal ka tirsan ciidanka badda Puntland ayaa tibaaxay in warka ah in la afduubtay markabkan ay faafiyeen shaqsiyaad uusan magacaabin kuwaasoo uu ku eedeeyay in ay doonayaan in qafaalashadda maraakiibta ay sii jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM