Faah faahin qarax ismiidaamin ah oo Garowe ka dhacay [Dhageyso]

Image

April 20. 2015 (GO)-  Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax maanta ka dhacay afaafka hore ee xarunta hay'adaha Qaramada Midoobey ee magaalada Garowe.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal Axmed Cabullaahi Samatar (Layli) oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa sheegay in qaraxa uu fuliyey qof isa soo midaamiyey oo saarnaa gaari bas ah oo sidey qaar kamid ah shaqaalaha Qaramada Midoobey.

Khasaaraha mar uu ka hadlayey wuxuu Taliye Layli sheegay in weerarka todoba qof ku dhinteen todoba qof oo kalena ku dhaawacmeen. Dadka dhintey afar kamid ahi waa ajnebi, labana waa Soomaali iyo qofkii weerka fuliyey.

Dadka dhaawacmey oo qaarkood xaaladoodu halis tahay, waxay isug jiraan shan Soomaali ah iyo labo qof oo ajnebi ah.

Warar madax bannaan oo Garowe Online heshay ayaa tibaaxaya in qofka is qarxiyey kamid ahaa shaqaalaha hoose ee xarunta gaar ahaan qaybta cuntada, wararku waxay intaas ku darayaan in ninkaas dhowaan shaqo fariisin lagu sameeyey.

Wasiirka Amniga oo ay weheliyeen qaar kamid ah mas'uuliyiinta ugu sarreysa hay'adaha ammaanka ayaa goobta tegey, waxaana socda baaritaan inkastoo ilaa hadda aanay jirin cid falkaas loo soo qabtey.

Shir-jaraa'id ayaa lagu wadaa in Wasiirka Amnigu goor dhow ku qabto xafiiskiisa Garowe.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM