Faah faahin ku saabsan qaraxii lagu diley Taliye Durraan

Image

March 1, 2015 (GO)- Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax maanta magaalada Gaalkacayo ka dhacay oo lagu diley taliyihii ciidamada ilaalada cashuuraha ee gobolka Mudug Durraan Cumar (Qaylo).

Taliye ku-xigeenka booliska Mudug Cabdirashiid Gebi-Gebi oo shir-jaraa'id Gaalkacayo ku qabtey ayaa sheegay in qaraxa Taliye Qaylo lagu diley ahaa mid gaarigiisa horay loogu sii xirey.

Taliyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in boolisku baaritaan wadaan balse weli aan cidna falkaas loo soo qaban.

Waa markii ugu horreysey ee mas'uul dowladda Puntland ka tirsan lagu dilo qarax gaarigiisa loogu xirey.

Ammaanka magaalooyinka Galkacayo iyo Bosaso ayaa todobaadyadii u dambeeyey soo xumaanayey, waxayna arintani kusoo aadeysaa xilli uu jiro khilaaf ka dhex taagan qaar kamid ah saraakiisha laamaha ammaanka iyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM