​Faah faahin laga helayo xaaladda degmada Qandala

Image

BOSASO, Puntland- Ciidamada Puntland, ayaa lagusoo waramayaa inaysan wali gacanta ku dhigin demgada Taariikhiga ah ee Qandala oo qiyaastii 80KM u jirta xarunta gobolka Bari ee Bosaso, halkaas oo ay ku suganyihiin  Mallayshiyaad sheegtay inay katirsanyihiin Daacish.

Wararka ayaa sheegay in xalay shaq dhexe nawaaxiga degmadaas gaar ahaan fariisin ay ku sugnaayeen Daacish duqaysay diyaarad ajnabi ah. Lama oga khasaaraha ka dhashay iyo duqayntaas cidda fulisay.

Dhinaca kale waxaa faahfaahin laga helayaa dagaallo culus oo shalay ka dhacay dooxada lagu magacaabo Cobollehe oo ay saldhig ku lahaayeen maleeshiyada taabacsan Daacish.

Xogo aan ka helnay saraakiil katirsan laamaha amniga ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay dagaalkii shalay ku dileen tiro ka mid ah maleeshiyada Daacish, islamarkaana qabsadeen baabuur ay saaran tahay daawo.

Saddex ka tirsan ciidamada Puntland ayaa lagu waramay inay ku dhaawacmeen weerarkan.

Dagaalka shalay ka dhacay Cobollehe ayaa ahaa iska horimaadkii labaaad ee dhexmara labada dhinac. Dagaalka hore ayaa Sabtidii ka dhacay degaanka Af-Bashaashin waxaana ciidamada Puntland ay ku dileen dagaalkaasi 7 ka tirsan maleeshiyada Daacish, dhinacoodana waxay sheegeen inay uga dhaawacmeen saddex askari.

Majirto faah faahin intaas dheer oo laga helay howlgalka degmada Qandala, waxaana wali hawada ka maqan Is-gaarsiinta oo la sheegay inay cilad farsamo jirto.

Degmada Qandala ayaa noqotay goobtii ugu horaysay ee kooxdan oo Puntland kasoo ifbaxday Octobar 2015 gacanta ku dhigaan, waxaana socda dadaalo ciidamada difaacu kusoo afjarayaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM