​Faah-faahin wafdiga IGAD ee Garowe yimid

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE-Waxaa maanta magalada Garowe caasumadda Puntland soo gaaray wafdi uu hogaaminayo xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Maxbuub Macallin oo wehiliyaan xubno katirsan xafiiskiisa, Xildhibaan iyo safiirka Somalia u fadhiya dalka Kenya.

Ujeedka safarka wafdigan ayaa salka ku hayay wada xaajood laga yeelanayo wajiga labaad mashruuca lagu dhisayo garoonka diyaaraha magalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Wafdigan ayaa madaxda Puntland kulan albaabada loo xiray kula qaatay xarunta madaxtooyada Puntland, waxayna ka wada hadleen arrimo kala duwan oo dhanka hormarka, ammaanka iyo xoojinta xiriirka labada dhinac ku saabsan, iyadoo markii uu shirkaasi dhammaaday warbaahinta si wadajir ah ula hadleen Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Xogahaye Maxbuub Macallin.

Gaas, ayaa ugu horayn ka hadlay kulankii labada dhinac, wuxuuna tilmaamay in wafdigan u yimaadeen Puntland sidii looga wada hadli lahaa hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaso iyo qaabkii loo xoojin lahaa ammaanka, balse aysan u socon qorshayaal la xiriira dhinaca siyaasadda.

Wuxu codsaday in si dhaqso ah loo hirgaliyo mashruucan isagoo wafdiga IGAD uga mahadceliyay wadashaqaynta ay la leeyihiin Puntland.

Dhinaca kale Xoghayaha Guud ee IGAD, Maxbuub Macallin ayaa ugu horayn hambalyo u diray ciidamada difaaca Puntland, isagoo ku ammaanay doorkoodii ku aadanaa la dagaallanka koox uu sheegay inay dhibaato ku hayaan umadda Somaliyeed { Shabaab}.

Maxbuub ayaa xusay inay madaxda Puntland ka wadahadleen sidii wax looga qaban lahaa dhaqaalaha, amniga iyo waliba abaaraha kajira Puntland oo uu sheegay inay isla soo qaadeen madaxweyne Gaas, wuxuuna xusay inay dhaqso u guda gali doonaan fulinta ballamaha la galay.

Wuxuu tilmaamay inay tagi doonaan magalada Bosaso si ay ula kulmaan shaqaalaha mashruucaasi ka qayb qaadanaya iyo raadinta lacagta lagu dhisayo.

Xoghayaha, ayaa carrabka ku dhuftay inay Puntland kawada hadleen ballaarinta xafiis qaabilsan ammaanka oo ay Garowe ka furteen, wuxuuna tilmaamay inay qorshaynayaan qaabkii waddamada kujira IGAD loo xoojin lahaa ammaankooda.

Urur goboleedka IGAD ayaa door muhiim ah ka cayaari doonta mashruuca lagu dhisayo wajiga labaad ee garoonka diyaaradaha Bosaso, waxana lacagta lagu dhisayo ku deeqday dowladda Talyaaniga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM