Faahfaahin sababta keentey in Wasiirka Amniga Puntland dhaawacmo

Image

BOSASO, Puntland- Rasaastii maanta ka dhacdey saldhiga ciidamada Birmadka ku leeyihiin xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso ayaa faahfaahinta dheeraadka ah ee laga helayo sheegeysa in xaalada caafimaad ee wasiirka amniga Puntland fiican tahay islamarkaana xabada ku dhacdey aysan jabin wax laf ah

Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa lagu daaweynayaa Isbitaalka Puntland ee magaalada Bosaso iyadoo warrarku sheegayaan in dhowaan loo qaadayo wadanka dibadiisa.

Wararka kale ee laga helayo rasaasta maanta ka dhacdey saldhiga ciidamada Birmadka Booliska Puntland ayaa waxaa sidoo kale dhaawac culus kasoo gaaerey Taliye ku xigeenka ciidamadaas Cali Imaan ( Cali Xun). Taliye ku xigeenka ayaa laga deyrinayaa xaaladiisa caafimaad iyadoo wararka aan ka heleyno  Isbitaalka  lagu dabiibayo Taliye Cali Imaan sheegayaan in dhaawac culus kasoo gaarey Kalyaha.

Dhinaca kale wararka aan ka heleyno sababta keentey in rasaastaan dhacdo ayaa wararka sheegayaan iney bilaabatey kadib markii xerada ciidamada Birmadka Booliska Puntland saaka gaareen Wasiirka Amniga Puntland, Taliyaha ciidamada Booliska Puntland iyo Gudoomiyaha gobolka Bari kuwasoo qorsheynayey iney ogadaan tirakoobka rasmiga ah ee ciidamadaan. Xilli xubnahaan ku guda jiraan howshoodii ayaa waxaa xerada yimid Taliyaha ciidamada Birmadka Afdalow isagoo gacan ka hadal  feer ah ku bilaabey Taliyaha Booliska Puntland Gen. Afguduud.

Dagaalkaan gacan ka hadalka ahaa oo bilowgiisa uu lahaa Taliyaha Birmadka ayaa waxaa ka bilowdey rasaas ay fureen ilaalada gaarka ah ee labada taliye taasoo goob joogayaashu sheegayaan in dhaawacyadaan kasoo gaareen Wasiirka Amniga iyo Taliye ku xigeenka ciidamada Birmadka.

Warsidaha Garowe Online oo isku taxalujiyey inuu wax ka ogaado sababta keentey in Taliye Afdalow gacan ka hadalkaan bilaabo islamarkaana xubnaha isugu jira saraakiisha dowlada geysay xerada ciidamada Birmadka  Puntland isagoo goob joog uusan aheyn Afdalow ayaa warrarku sheegayaan iney keentey kadib markii habeenkii xaley aheyd uu diidey [ Afdalow] inuu la shaqeeyo xubnahaan isagoo ka qaban waayey taleefanada. 

Xogtaan ayaa sheegeysa in xubnahaan saraakiisha ee uu hogaaminayey Wasiirka Amniga keentey in ciidamadaan la kulmaan ay aheyd  kadib markii amar lagu baxshey in xilka laga qaado Taliye Afdalow kadib markii wada shaqeyn laga waayey.

Ciidamada Booliska Birmadka ayaa waxaa aasaasey Madaxweyne Gaas kuwasoo madax looga dhigey Col. Afdalow oo horey ahaan jirey Taliyaha qaybta gobolka Barri.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM