Farole oo martiqaad u sameeyay wafdiga Ra'isal wasaarihii hore Geeddi

Image
Image
Image
Image

05 January, 2016(GO)-Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud Farole ayaa hoygiisa magalada Garowe kulan casho ah la yeeshay wafdi uu hogaaminayay Ra'isal wasaarihii hore Somalia Cali Maxamed Geeddi.

Farole ayaa waxaa kulanka ku weheliyay xubno katirsanaa xukuumaddii hore Puntland, waxayna kawada hadleen arrimo kusaabsan xaladda dalka iyo aragtidooda ku aaddan doorashada Somalia ka dhici doonta sannadkan.

Madasha oo ku koobnayd isxogwaraysi iyo soo dhaweyn uu madaxweyne Farole u samaynayay wafdiga kayimi magalada Baydhabo ayaa mas'uuliyiinta ku ammaanay shaqooyinka dalka kasoo qabteen, wuxuuna ku booriyay inay horay usii wadaan talo galyaynta iyo hagidda shacbiga Somaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM