​Farole oo tacsi ka diray geerida Maxamed Abshir Walde

Image

ALLAHA u naxariistee waxaa magalada Nairobi galabta ku geeriyooday Maxamed Abshir Walde oo kamid ahaa siyaasiyiinta, ganacsatada iyo saxafiyiinta Somaliyeed gaar ahaan Puntland, wuxuuna u geeriyooda xanuun muddo hayay.

Geerida marxuumka waxaa tacsi kadiray Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, isagoo xusay inuu kamid ahaa hal-doorka Puntland, wuxuuna ku sifeeyay shakhsi hormarka iyo siyaasadda Somalia kaalin kasoo qaatay.

Dhinaca kale waxaa tacsi taa lamid ah diray wasiirkii hore waxbarashada Puntland Cabdi Farax Siciid Juxa,oo kusugan magalada Nairobi, wuxuuna tilmaamay in Abshir uu ahaa oday magac ku leh bulshada Puntland isagoo ku sifeeyay inuu kamid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee kaalinta ka qaatay ilaalinta sooyaalka Somalida. Halkan ka dhagayso

Juxa, ayaa xusay in barri lagu aasi doono magalada Nairobi, wuxuuna intaasi raacshay inuu kalin mugleh ka qaatay dhismaha Puntland.

Maxamed Abshir Walde, wuxuu u geeriyooday xanuun dhanka beerka ka haleelay isagoo muddo la il darnaa, wuxuuna ku dhintay da'da 70-taneeyada.

Marxuumka ayaa lagu xasuustaa inuu kamid noqday wariyaasha laanta Afka Somaliga ee BBC sannadkii  1960’s, wuxuuna cilmiga saxaafadda ka bartay jaamacad lagu magacaabo Columbia University 1968.

Walde wuxuu sidoo kale door ku lahaa shirkii Puntland lagu aas-aasay sannadkii 1998.

Allaha u raxmadee wuxuu ifka uga tagay hal Xaas iyo Shan Ilmood.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM