Gaas: bisha Junuary ayaa lasoo dhisayaa gudiga doorashooyinka

Image

December 28, 2014 (GO)- Madaxweynaha  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan dib loogu amba qaadi doono geedi socodkii dimuqraadiyeynta Puntland.

Gaas oo ka jawaabayey su'aal Radio Garowe weydiiyey kadib markii uu soo xirmay shirkii la xisaabtanka xukuuamda ee labada maalmood Garowe ka socdey, wuxuu carabka ku adkeeyey in dimuqraadiyeyntu tahay ajendaha ugu muhiimsan dowlada.

Su'aal kale oo Garowe Online weydiisey Madaxweynaha ayaa ahayd "goormaa lasoo magacaabayaa Guddiga Doorashooyinka?" Gaas oo su'aashaas ka jawaabayey wuxuu sheegay in bisha soo socota ee January bartamahaeeda lasoo magacaabi doono xubnaha guddiga doorashoyinka.

" bisha January ee soo socota ayaan rajeyneynaa inaan soo magacawno guddiga doorashooyinka hadii aniga iyo Barlamanku isku waafaqno...waa waxa nalaku qiimeynayo waana ajandeyaasha ugu muhiimsan dowlada" ayuu yiri.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in kulankii la xisaabtanka xukuumadu guul kusoo dhamaaday isagoo xusay in kulamada caynkan oo kale ah la joogteyn doono, lixdii bilood ee kastana mar la qaban doono.

Barlamanka Puntland ayaa kal-fadhigiisii ugu dambeeyey ee soo xirmay 18-kii bishan ku ansixiyey xeerka guddiga doorashooyinka Puntland.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM