Gaas: bisha Junuary ayaa lasoo dhisayaa gudiga doorashooyinka

Image

December 28, 2014 (GO)- Madaxweynaha  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan dib loogu amba qaadi doono geedi socodkii dimuqraadiyeynta Puntland.

Gaas oo ka jawaabayey su'aal Radio Garowe weydiiyey kadib markii uu soo xirmay shirkii la xisaabtanka xukuuamda ee labada maalmood Garowe ka socdey, wuxuu carabka ku adkeeyey in dimuqraadiyeyntu tahay ajendaha ugu muhiimsan dowlada.

Su'aal kale oo Garowe Online weydiisey Madaxweynaha ayaa ahayd "goormaa lasoo magacaabayaa Guddiga Doorashooyinka?" Gaas oo su'aashaas ka jawaabayey wuxuu sheegay in bisha soo socota ee January bartamahaeeda lasoo magacaabi doono xubnaha guddiga doorashoyinka.

" bisha January ee soo socota ayaan rajeyneynaa inaan soo magacawno guddiga doorashooyinka hadii aniga iyo Barlamanku isku waafaqno...waa waxa nalaku qiimeynayo waana ajandeyaasha ugu muhiimsan dowlada" ayuu yiri.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in kulankii la xisaabtanka xukuumadu guul kusoo dhamaaday isagoo xusay in kulamada caynkan oo kale ah la joogteyn doono, lixdii bilood ee kastana mar la qaban doono.

Barlamanka Puntland ayaa kal-fadhigiisii ugu dambeeyey ee soo xirmay 18-kii bishan ku ansixiyey xeerka guddiga doorashooyinka Puntland.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM