Gaas iyo Farole oo ka dagay Garoowe [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Wafdigii Puntland uga qayb galay caleemo-saarka Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta lagusoo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland.

Wafdigan ayaa ka hor inta aysan imaan Garoowe waxaa loo sameeyay sagootin ay ka heleen mas'uuliyiinta maamulka HirShabeelle.

Madaxweyne Gaas, Senator Farole, Xildhibaano iyo Wasiirro ayaa Puntland uga qayb galay xaflad shalay ka dhacday Jowhar oo lagu caleemo-saarayay Waare kuwaasoo xalay u hoyday magaalada Jowhar xilli madaxdii kale ay dib ugu noqdeen goobihii ay ka yimaadeen.

Mas'uuliyiin katirsan golayaasha dowladda ayaa xubnaha kusoo dhaweeyay Garoonka Kanooko xilli isla maanta caasimadda Puntland ay yimaadeen guddoomiyaasha labada Aqal ee Barlamanka Soomaaliya.

Wafdigan ayaa ayaa sheegay in caleemo-saarkii ay ka qayb galeen uu ku qabsoomay si wanaagsan islamarkaana waxay hambalyo u direen Madaxweyne Waare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM