Gaas "Odoyaasha nac-nac leh waxay ku hadlayaan sax ma ahan"
GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas, ayaa maanta ka hadlay arrimo ku aadan soo xulista xubnaha Aqalka hoose ee kamid ah kuraasta ay ka heleen Barlamanka Federaalka Somalia, kuwaasoo lagu wado in maalinta barri ah lagu doorto magaalada Garowe.
Gaas, ayaa sheegay inaysan u dulqaadan doonin hadallo warbaahinta mariyeen qaar kamid ah beelaha lagu amray inay kuraasta kusoo daraan Haween kuwaasoo sheegay inaysan u hogaansami doonin go'aanka guddiga doorashooyinka Puntland ee heer Federaal.
Madaxweynuhu, wuxuu xusay inaysan aqbali doonin haddalada Odoyaasha dhaqanku ku nac-nac leeyihiin sida uu hadalka u yiri, isagoo tilmaamay in dumarku yihiin kala bar bulshada Somaliyeed islamarkaana macquul noqon karin in la inkiro.
”Waxaan maqlayay dad oronaya gabdho ma rabno, waxay ila tahay waxaasi wax la aqbali karo ma ah, gabdhuhu dadkay ka mid yihiin, 50% dadka Puntland waa gabadho, xaqoodana lama inkiri karo, ciddii isku daydana, kama yeelayno,” Ayuu yiri madaxweyne Gaas.
Isagoo sii hadlaya, wuxuu odoyaasha dhaqanka ku eedeeyay in iyagoo ku nool lacagaha yar ee dumarku soo diraan, hadana hormuud ka noqdaan in laga hor-istaago qoondadooda Aqalka hoose “Odayaasha ka hadlaya Tvyada oo meelahaa ka nacnac-leh, waxay ku hadlayaan sax mahan, waa hubaa qaar badan oo iyaga ka mid ah in $100 oo gabari soo dirtay ayeey ku noolyihiin”.
Go'aanka Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland, ayuu ku ammaanay sida ay u meeleeyeen qoondada dumarka ee 30% isagoo sheegay inay tahay arrin sax ah oo ay fulin doonaan.
Wuxuu intaas ku daray inaysan u joojin doonin ciddii aan u hogaansamin tallaabadaas ku aadan qoondada dumarka islamarkaana laga gudbi doono.
Hadalka Gaas, ayaa kusoo aaday xilli waraaq kasoo baxday beesha (Cumar Maxamud), lagu naqdiyay doorashada maalinta barri ah ka dhici doonta caasumadda Puntland, iyagoo ka biyo diidan in Aqalka hoose u matasho qof dumar ah, maadaama sida ay ku doodeen Aqalka sare ugu jirto haween.
Waxay ka digeen in faro galin lagusameeyo sida ay ka yeelayaan xubnaha ugu jira Barlamanka Federaalka Somalia, iyagoo tilmaameen in mas'uuliyadda qorshahan ka dhasha qaadan doonaan cidda faraha kula jirta.
Todobaadkii hore Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland, ayaa u yeeray murashaxiinta iyo Ergada dooran doonta 16 kursi oo ka haray qoondada Puntland ka heshay Barlamanka Federaalka Somalia, waxaana 4 kamid kuraasta lagu tartansiin doonaa Haween, ka imaan doona beelaha; Cismaan Maxamud Jufida (Is-xul), Cumar Maxamud (Cabdi Ciise), Dhulbahante; Maxamud Garaad (Jaamac Siyaad) iyo Baha Nugaaleed (Xasan Ugaas).
GAROWEONLINE