​Gaas oo abaalmariyay ciidamo katirsan PMPF iyo Booliiska

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntlan- Munaasabad ka dhacday magaalada Bosaso ayaa lagu abaalmariyay ciidamo katirsan kuwa Badda Puntland iyo Booliiska gobolka Bari, kadib markii la sheegay inay gacan lixaad leh ka qaateen bad-baadinta shacabka iyo ka hortaga falalka amni darro ee kooxda Al Shabaab.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 04 October 2017 gudoosiiyey shahaado sharaf iyo abaalmarin kale ciidamadan oo ka koobnaa  saraakiil, saraakiil xigeeno iyo dabley tiradoodu gaaraysay 64 askari.

Munaasabada lagu abaalmarinayay ciidamada oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Puntland ee Bosaso, waxaa goob joog ka ahaa; Taliyaha ciidanka qalabka sida ee dawladda Puntland Sareeye Guud Saciid Maxamed Xirsi, taliyaha ciidamada badda, Booliiska, maamulka Bari iyo degmada Bosaso.

" Xafladdani waxay si gaara u khusaysaa dadkii qabtay fal-denbiyeedkii ay soo abaabuleen sharwadayaashu ee ahaa qaraxyadii loosoo abaabuley dadka reer Puntland in lagu laayo, gaar ahaan shacabka Boosaaso, ciidankii ka hortegey qabtay ku guulaystey weeye munaasibaddani, taas micneheedu ma aha labadan ciidan ee meesha joogaa inay kuwa kale ka hawl karsanaayeen ama ay ka hawl badan yihiin" ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas oo hambalyo u dirayay ciidankan.

Wuxuu xusay in dhammaan ciidamada Puntland had iyo goor ku howllanyihiin sidii shacabku ugu noolaan lahaayeen amni iyo jawi wanaagsan oo nolol lagu heli karo.

"Ciidamadii ugu hawsha badnaa dalka, shaqadooda iyo difaacoodu meesha majoogaan hadda, lakiin in loo fahmo hawshani hawl gaara oo ahayd qorshahaas gaar ka ah ee ciidan kani ku guulaysteen inay fashilaan oo qabtaan in lagu dhiiri geliyo, si ay usii laba jibaaraan shaqadooda iyo hawlkarnimadooda, lagana illaaliyo dhibaatooyinka cadawgu uu u soo maleegayo Puntland" ayuu yiri Madaxweynuhu.

Qaar kamid ah taliyaasha, maamulka gobolka Bari iyo saraakiil kale ayaa hambalyo u dirayay ciidamada ayaa ugu baaqay inay halkaas kasii wadaan oo ay sii labo jibaaraan shaqada qaran ee ay hayaan.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli inta badan ciidamada Puntland qabteen Qaraxyo iyo lacago faalso ah kuwaasoo la doonayay in si tuugo ah lagusoo galiyo gobolka Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM