​Gaas oo Bosaso kula kulmay wafdi kasocda Cumaan

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland-  Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 12 January 2017 kulan  kula qaatay xarunta madaxtooyada magaalada Bosaso wefti ka Socda Dalka Cumaan.

Xubnahan ayaa isugu jiray mas'uuliyiin kasocotay  wasaaradda Ganacsiga Cumaan, rugta ganaciga dalkaas, xubn katirsan madaxtooyada  iyo maamulka sare ee diyaarada  Salaala Airline.

Kulan labada dhinac dhexmarayay ayay uga hadleen sidii loo hormarin lahaa iskaashiga ganacsi ee ka dhaxeeya labada dalka iyadoo sidoo kale mas'uuliyiintaasi soo bandhigeen rabitaan ah inay ka howlgalaan deegaanada Puntland.

Masuuliyiintii ka socotay shirkada diyaaradaha ee Salaala Airline ayaa dhankooda sheegay  in ay ka bilaabi doonaan duulimaadyo ay uga kala dhex gooshi doonaan Cumaan iyo Somalia.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa xusay inuu ku faraxsanyahay imaanshahooda isagoo tilmaamay inuu la garab taaganyahay taageero kasta oo ay uga baahdaan, wuxuuna ugu baaqay in Puntland tahay dhul nabad ah oo maalgashiga ku wanaagsan.

Gaas, ayaa sidoo kale baaq u diray ganacsatada reer Puntland ee ku sugan dalka iyo dibadda, wuxuuna sheegay inay kor u qaadaan maalgashiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM