​Gaas oo Bosaso kula kulmay wafdi kasocda Cumaan

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland-  Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 12 January 2017 kulan  kula qaatay xarunta madaxtooyada magaalada Bosaso wefti ka Socda Dalka Cumaan.

Xubnahan ayaa isugu jiray mas'uuliyiin kasocotay  wasaaradda Ganacsiga Cumaan, rugta ganaciga dalkaas, xubn katirsan madaxtooyada  iyo maamulka sare ee diyaarada  Salaala Airline.

Kulan labada dhinac dhexmarayay ayay uga hadleen sidii loo hormarin lahaa iskaashiga ganacsi ee ka dhaxeeya labada dalka iyadoo sidoo kale mas'uuliyiintaasi soo bandhigeen rabitaan ah inay ka howlgalaan deegaanada Puntland.

Masuuliyiintii ka socotay shirkada diyaaradaha ee Salaala Airline ayaa dhankooda sheegay  in ay ka bilaabi doonaan duulimaadyo ay uga kala dhex gooshi doonaan Cumaan iyo Somalia.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa xusay inuu ku faraxsanyahay imaanshahooda isagoo tilmaamay inuu la garab taaganyahay taageero kasta oo ay uga baahdaan, wuxuuna ugu baaqay in Puntland tahay dhul nabad ah oo maalgashiga ku wanaagsan.

Gaas, ayaa sidoo kale baaq u diray ganacsatada reer Puntland ee ku sugan dalka iyo dibadda, wuxuuna sheegay inay kor u qaadaan maalgashiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM