Gaas oo furay Mashruuca lagu dhisayo wadada isku xirta Garowe iyo Eyl

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maanta kasoo dagay magaalada Garowe isagoo ay la socdaan xubno kasocda shirkadda CCECC ee laga leeyahay dalka China, ayaa daah furay mashruuca wadada isku xirta magaalooyinka Garowe iyo Eyl.

Munaasabadda lagu furyay mashruuca oo lagu qabtay jaamacadda Bariga Africa, ayaa waxaa ka qayb galay xubno katisan golahayaasha dowladda, waxgaradka iyo isimada gobolka Nugaal.

Qaar kamid ah waxgaradka gobolka Nugal oo kamid yahay Islaam Ciise Islaam Maxamed, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin dhismaha jidkan oo laamiga laga dhigayo, waxayna dowladda ugu baaqeen in laga dhabeeyo mashruucan.

Xubno kasocday shirkadda Dhisaysa jidkaas ee CCECC, ayaa ka mahadceliyay sida dadka gobolka ku nool diyaarka ugu yihiin inuu mashruucan hirgalo, waxayna rajo wanaagsan ka muujiyeen in jidku noqon doono mid guulaysta.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in dowladdiisu ahmiyadda koowaad siinayso kor u qaadista kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, wuxuuna sheegay in mashruucan oo laga miro dhaliyaa ay keeni karto in la sameeyo maalgashi shisheeye.

Waddooyinka iyo garoomada diyaaraha ayuu xusay inay laf-dhabar u yihiin hormarinta mashariicda Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa isla maanta u dhoofay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, halkaas oo iyadana la filayo in lagu daah furo mashruuca lagu casriyaynayo garoonka diyaaraha Galkacyo.

Dhawaan ayaa la filayaa in shirkadda CCECC ay bilowdo qorshaha raadinta xogta ku saabsan jidkaas, nooca uu noqonayo iyo halka laga dhisayo.

Shirkadda CCECC, ayaa la sheegay in mashruucan ku badal doonto khayraad laga baarayo gobolka Nugal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Helay Xabaalo Daacish ku aastay hogaamiyaasha laga dilay

Waxay ahayd difaacii ugu ballaarnaa, marka laga reebo Dhasaan ilaa Miiraale, oo horey gacanta loogu dhigay.

  • Puntland

    24-02-2025

  • 09:19AM

Puntland oo beenisay inay diiday taageeradda dowladda Soomaaliya ee dagaalka ISIS

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka maqneyd dhacdooyinkaas, iyadoo kaliya dib u hurinaysa khilaafaadka siyaasadeed ee Puntland.

  • Puntland

    22-02-2025

  • 09:39AM