Gaas oo furay Mashruuca lagu dhisayo wadada isku xirta Garowe iyo Eyl

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maanta kasoo dagay magaalada Garowe isagoo ay la socdaan xubno kasocda shirkadda CCECC ee laga leeyahay dalka China, ayaa daah furay mashruuca wadada isku xirta magaalooyinka Garowe iyo Eyl.

Munaasabadda lagu furyay mashruuca oo lagu qabtay jaamacadda Bariga Africa, ayaa waxaa ka qayb galay xubno katisan golahayaasha dowladda, waxgaradka iyo isimada gobolka Nugaal.

Qaar kamid ah waxgaradka gobolka Nugal oo kamid yahay Islaam Ciise Islaam Maxamed, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin dhismaha jidkan oo laamiga laga dhigayo, waxayna dowladda ugu baaqeen in laga dhabeeyo mashruucan.

Xubno kasocday shirkadda Dhisaysa jidkaas ee CCECC, ayaa ka mahadceliyay sida dadka gobolka ku nool diyaarka ugu yihiin inuu mashruucan hirgalo, waxayna rajo wanaagsan ka muujiyeen in jidku noqon doono mid guulaysta.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in dowladdiisu ahmiyadda koowaad siinayso kor u qaadista kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, wuxuuna sheegay in mashruucan oo laga miro dhaliyaa ay keeni karto in la sameeyo maalgashi shisheeye.

Waddooyinka iyo garoomada diyaaraha ayuu xusay inay laf-dhabar u yihiin hormarinta mashariicda Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa isla maanta u dhoofay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, halkaas oo iyadana la filayo in lagu daah furo mashruuca lagu casriyaynayo garoonka diyaaraha Galkacyo.

Dhawaan ayaa la filayaa in shirkadda CCECC ay bilowdo qorshaha raadinta xogta ku saabsan jidkaas, nooca uu noqonayo iyo halka laga dhisayo.

Shirkadda CCECC, ayaa la sheegay in mashruucan ku badal doonto khayraad laga baarayo gobolka Nugal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM