​Gaas oo furay shir la doonayo in lagu Kordhiyo Barlamanka Puntland

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magalada Garowe ka daahfuray shir Beesha tanade ku raadinayso in lagu siyaadiyo tirada Xildhibaanada Barlamanka Puntland oo hadda ka kooban 66  mudane.

Kulankan ayaa daba socday mid dhawaan beshaas ku qabsatay caasumadda Puntland islamarkaana ay kala soo qayb galeen qaar kamid ah Isimada Puntland.

Shirkaas hore oo aan wax natiijo ah lagu gaarin ayaa la isku af-gartay in madal kale la isugu yimaado oo ay qayb ka tahay dowladda iyo Isimada maqan, iyadoo loo tagay Madaxweynaha kaasoo markii dambe soo qoray warqad uu Isimada Puntland kaga codsanayo inay yimaadaan gogosha taalla Garowe.

Waxaa loo muddeeyay inuu maanta 25 July, 2017 shirkaas ka qabsoom Garowe, waxaana ka qayb galay Madaxweynaha Puntland iyo  ku-xigeenkiisa,  Xildhibaano, Wasiirro, Isimo, Nabadoono, Ergooyin matalayay qaar kamid ah xubnaha maqan ee shirka lagu casuumay iyo Qaybaha kala duwan ee beesha gogosha dhigatay.

Balse kulankan waxaa soo ajiibin oo madasha ka maqnaa Isimada muhiim ah oo ay kamid yihiin  Islaan Ciise, Islaan Bashiir ,  Boqor Burhaan, Suldaan Siciid Cabdisalaan iyo kuwa kale.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday xilli horay golaha Barlamanka Puntland uga horyimaadeen in la siyaadiyo tirada golaha shacabka kadib markii uu warqad u diray Madaxweyne Gaas uu ku dalbanayo in lagu daro 7 xubnood.

Xildhibaanada ayaa diidmadooda sabab uga dhigay wal-wal laga qabo in la xallin waayo tabashooyinka beelaha Puntland oo aad u badan, waxayna meesha ka saareen in cidda maqan  aysan ku dulmanayn  dastuurka ee ay ka raadsadaan gobolka ay kasoo jeedaan.

Lama oga waxa kasoo bixi doona kulankan balse Madaxtooyada ayaa dadaal ugu jirta sidii loo siyaadin lahaa Barlamanka iyadoo sidoo kale arrintan ku lug leeyihiin qaar kamid ah mudanayaasha Barlamanka gaar ahaan kuwa kasoo jeeda beesha Tanade.

FG: Khudabadaha laga jeediyay kulankii maanta  dib ayaan idiin kusoo gudbin doonaa

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM