​Gaas oo Guddiyo u magacaabay abaarta ka jirta Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Kulan deg deg ah, ayaa madaxweynaha Puntland isugu yeeray golihiisa wasiirrada, kaasi oo ku saabsanaa xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanada Puntland gaar ahaan dhinaca Miyiga.

Guddiyadan oo loo kala qaybiyay inay ka shaqeeyaan gurmadka dadka tabaalaysan ayaa waxaa koobanyihiin, wasaaradaha kala duwan ee xukuumadda iyo hay'ado kale.

Gaas oo shir la qaatay golihiisa, wasiirrada ayaa sheegay in abaarta kajirta Puntland saamaysay 90% dadka ku nool miyiga, wuxuuna xusay inaan loo dul qaadan karin ee loo baahanyahay inay gurmadaan dadka Somaliyeed iyo kuwa reer Puntland ee ku sugan dalka iyo dibadda.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirkaas, ayaa lagu sheegay in wasaaradaha la magacaabay u xil-saaranyihiin, Biyaha, Cuntada, Dajinta, Caafimaadka dadka iyo duunyada, Dhaqaalaha, Wacyigalinta iyo Xog bixinta, Amniga, Hubinta iyo Dabagalka.

Magacaabista guddigan ayaa yimid xilli dhowr guddi oo hore ay ka jireen deegaanada Puntland, kuwaasoo isu xil-qaamay sidii loo caawin lahaa dadka iyo duunyada ku dhaqan miyiga Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM