Gaas oo ka hadlay Codsigiisa ku aadan Kordhinta Barlamanka Puntland [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi la socda ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe, kadib socdaal muddo qaatay oo ku marayay qaybo kamid ah dalalka Midowga Yurub.

Isagoo saxaafadda kula hadlayay xarunta Madaxtooyada, wuxuu ka hadlay dagaalka kasoo cusboonaaday gobolka Mudug, Qaraxii ka dhacay Bosaso, Bilashada Ramadaan, shirkii London iyo kulamadii uu Yurub kula soo qaatay Qurba joogta reer Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa wax laga weydiiyay doodii ka dhalatay in la kordhiyo golaha wakiillada Puntland, kadib markii uu waraaq u gudbiyay Guddoonka Barlamanka, wuxuuna sheegay in arrintaas uu isagu dalbaday islamarkaana aysan ahayn mid sir ah, balse uu ku raadinayo Cadaalad iyo in beelaha ka maqan Barlamanka lagusoo daro.

“Walaal anigu awood aan ku kordhiyo Barlamanka ma lihi, anigu codsi ayaan u diray Guddoonka Barlamanka sirna ma aha, waxaana ka codsaday in qodob kamid ah Dastuurka la furo, dadka caddaalad darrada tirsanaya ee ka maqan Barlamanka inay caddaalad helaan, awoodaasna kuma koobna aniga ee Barlamanka ayaa iska leh,” Sidaas waxaa yiri Madaxweyne Gaas oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay dooda ku saabsan kordhinta Xildhibaanada.

Shirkii London ayuu sheegay inuu ahaa tallaabo wanaagsan oo lagu raadinayay in lasoo celiyo sumcaddii Somalia islamarkaana sidoo kale lagusoo hadal qaaday arrimaha dhaqaalaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Madaxweynaha Puntland, ayaa dhanka kale ka hadlay dagaalka kasoo cusboonaaday gobolka Mudug ee u dhaxeeyay xoolo dhaqato, wuxuuna sheegay inay ALLE ka cabsadaan oo joojiyaan dhiigga ku daadanaya gobolka.

Gaas, ayaa sidoo kale ka hadlay weerarkii lagu qaaday Bar-kantarool oo ciidamada Puntland u taallay magaalada Bosaso, wuxuuna Madaxweynuhu u tacsiyeeyay dadkii ku waxyeelloobay isagoo xusay inaysan marnaba joojin doonin dagaalka ay kula jiraan Xag-jiriinta.

Ugu dambayn, wuxuu dadka reer Puntland ugu hambalyeeyay bisha Barakaysan ee Ramadaan isagoo tilmaamay inuu ku faraxsanyahay inuu soo laabto waddankoo roobsaday islamarkaana amni ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Gargaarka Puntland oo su’aallo laga waydiiyay ka hortagga abaaraha

Marwo Ubax ayaa soo bandhigtay waxqabadka Wasaaradda, caqabadaha ay la kulmeen, iyo qorshooyinka lagu xoojinayo waxtarka adeegyada ay bulshada u qabato.

  • Puntland

    18-11-2024

  • 05:17AM

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland oo hortagay baarlamaanka

Xildhibaannada ayaa Wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan qorsheyaasha ku aaddan arrimaha Federaalka iyo dimuqraadiyada.

  • Puntland

    18-11-2024

  • 05:13AM