Gaas oo ka hadlay dilkii AUN Xeer ilaaliye Firdhiye

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Cali Gaas, ayaa ka hadlay dilkii loo gaystay AUN Xeer ilaaliyihii Maxkamadda ciidamada Miletariga Puntland Cabdikariim Xasan Firdhiye oo mallayshiyaad hubaysan ku toogteen magaalada Bosaso.

Gaas oo iminka ku sugan magaalada Muqdishu, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray wuxuu tacsi ugu diray dhammaan ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan shacabka reer Puntland oo ka baxay mas'uulkaas.

Madaxweynaha, ayaa ku ammaan marxuumka inuu ahaa xubin muhiim ah ka baxday shacabka iyo dowladda Puntland isagoo sheegay inuu howl baaxad leh u hayay nidaamka dawliga ah ee lagu shaqeeyo.

Mudane Gaas, wuxuu intaas ku daray inay sharciga soo taagi doonaan dhagar qabayaasha falkaas ka dambeeyay iyo waliba kuwii khaarajiyay Agaasimihii Madaxtooyada Bosaso.

Shacabka Puntland, ayuu u diray fariin ku aadan inay ka shaqeeyaan sidii la isaga kaashan lahaa xasiloonida gobolka Bari, wuxuuna faray inay noqdaan dad ka feejigan falalka Argagixisada si magaaladu amni u noqoto.

Hadalka Madaxweyne Gaas, ayaa imaanaya xilli mas'uulkii saddexaad muddo 15 casho gudahood ah lagu dilay magaalada Bosaso islamarkaana aysan jirin cid loo soo qabtay dilalkaas.

Shacabka ku dhaqan gobolka Bari, ayaa walaac xoog leh ka qaba ammaan xumada muddooyinkii dambe lasoo daristay, waxayna dowladda ka dalbadeen inay la timaado qorshe cad oo lagu sugi karo xasiloonida gobolka gaar ahaan Bosaso sida ay noo sheegeen qaar kamid ah bulshada rayidka ah oo aan la xiriirnay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM