Gaas oo ka jawaabay hadal uu ka yiri Imaaraadka [Dhagayso]
GAROOWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland oo xalay ku sugnaa degmada Qardho ee gobolka Karkaar ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Xubno katirsan golayaasha dowladda, maamulka gobolka iyo kan degmada Garoowe oo ay weheliyaan dadweyne kala duwan ayaa soo dhaweyn ugu sameeyay duleedka magaalada.
Madaxweyne Gaas ayaa ka mahadceliyay qaabka loo soo dhaweeyay isagoo ka hadlay safarkii uu ku tagay waddanka Imaaraadka, xilli uu warbaahinta kula hadlayay xarunta Madaxtooyada.
"Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa goloyaasha Dowladda Puntland Madaxda Goobolka iyo tan Dagmada iyo dhammaan Shacabka reer Garoowe ee soo dhaweenta aan hagrashda lahayn nagu soo dhaweeyeeyn aniyo wafdigii ila socdey, aad iyo aad baan ugu mahad naqaynaa, waana ku faraxsanaha inaan ku soo laabto dalkii oo roobsadey, nabad ah, shido iyo shaqaaqo cusubna aysan ka jirin, aad iyo aad baana Allaah ugaga mahadnaqynaa taas,” ayuu yiri Madaxwene Gaas.
Wuxuu kaloo ka hadlay safarkii Imaaraadka iyo waxyaabihii uu ku saabsanaa, isagoo sheegay madaxda dalkaas kasoo wada hadleen xiriirka labada dhinac.
“Muddo toban beri ku dhow waxaan ku maqnaa dalka Iskutagga Imaaraadka Carabta oo aan ku aadney martiqaad aan ka helney Dowladda Imaaraatka Carabta… Danta uweyna waxa ay ahyd in la sii wado lana xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Dowladda Puntland iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, dhanka amniga, taakulada ciidamada iyo codsi aan u gudbiney oo ku saabsanaa iney naga taageeraan mashaariic kale oo la xariirta dhanka caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha,” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa xusay in socdaalkaas uu kusoo arkay dad Soomaaliyeed oo ka niyad jabsan xiriirka labada waddan, doorkii uga furnaana uu ahaa inuu kala hadlo sidii loo wanaajin lahaa isagoo xusay in taasi guul kusoo dhammaatay.
Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu cadeey hadal dad badani ay fahankiisa siyaabo kala gedisan u fasirteen, kaas oo ahaa "Soomaaliya Muqdisho Maaha, Muqdishona Soomaaliya Mahaa,
''Hadalkaas micnehiisu waxaa weeye Soomaaliyo dhan Muqdisho kaliya maaha Muqdisho kaligeedna Soomaaliya oo dhan maaha, micnaha kusii jiraana waxaa uu yahay dalku waa balaaranyahay, Federaal weeye, wax kastoo deeq caalamiya oo yimaada haday tahay gaadiid baa imanaya, dhaqaale baa imaanaaya, horumar baa imaanaya, mashaariic baa imaanaysa, hadii la yiraado markaas wax-walba Muqdisho ayaa leh, ummadda Soomaaliyeed sidii la iskugu hayn lahaa dhib ayeey noqoneysaa, waxaa loo baahan yahay dalka dhammaantii in loon adeego oo aan lagu mashquulin caasimada oo kaliya, habkan ah hal caasimad, hal degmo, hal gobol, waxyaalihii dalku uu ku bur-burey bay kamid tahay, waxaa weeye markaa in lafahmo dalka inuu fedraal yahay masuuliyadana la wadaago, maamulkana la wadaago, awoodana la wadaago intaas un weeye ujeedada aan kalahaa hadalkayga, intaasna waa in la fahmaa,” ayuu yiri madaxweyne Gaas.
Hadalkaas ayaa siyaabo kala duwan loogu falanqeeyay baraha bulshada, taasoo dadka qaybtiis ku dhaliileen madaxweynaha.
GAROWE ONLINE