Gaas oo ka qayb galay Roob doon ka dhacday Garowe
GAROWE, Puntland- Waxaa maanta magaalo madaxda Puntland ee Garowe lagu qabtay isu-soobax roob doon ah, taasoo uu ka qayb galay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas.
Roob doontan oo markii labaad bishan gudaheeda lagu qabtay magaalada Garowe, ayaa ALLE lagu weydiisanayay raxmaddiisa iyo inuu dadka ka dulqaado abaarta baahsan ee dadka iyo duunyada saamaysan.
Culimaa'uuddiinkii ka qayb galay Roob doonta, ayaa soo jeediyay wacdi iyo waanooyin tiro badan, taasoo ay dadka ku farayeen inay ka toobad keenaan dambiga, ALLE-na u noqdaan si raxmadiisu usoo daahirto.
Waxay sidoo kale shacabka ku booriyeen inay kaalmeeyaan walaalahooda rafaadsan ee abaartu ku saamaysay Miyiga deegaanada Puntland.
Mas'uuliyiin katirsan dowladda, ayaa iyaguna ayiday hadalka culimada, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin sidii dadka dhibaataysan ee abaartu ku dhufatay loo samata bixin lahaa.
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas oo hadal ka jeediyay ALLE barigan lagu qabtay magaalada Garowe, ayaa bulshada ugu baaqay in xumaha la iska reebo, towbad lala yimaado islamarkaana la is-cafiyo.
" Waxaan isugu nimi roob doon iyo ilaahay inaan barino , waxaana loo baahan yahay inaan ilaahay ka baqno, inaan is cafino, in aanu towbad keeno, inta nugul ee jilicsan ee dhibaatadu haysato aan u naxariisano oo aan ugu gargaarno wixii aan awoodno si deg deg ah, ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu na cafiyo, ilaahayoow khatumada noo suubbi, ilaahow beddel khayr qaba ayaanu kaa barinay, ilaahow nasii roob khayr qaba oo aan dhibaato noo geysan, ilahow abaarta iyo colaadda naga saar," Ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Roob doon tan lamid ayaa bishan gudaheeda lagu qabtay meelo kala duwan oo Puntland kamid ah, waxaana lagusoo beegay xilli abaar daran ay ka jirto dhammaan gobolada Puntland iyo guud ahaan Somalia.
GAROWEONLINE