Gaas oo la kulmay xildhibaano diidan Mooshinka Guddoonka
GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo shalay [09 December, 2017] dib ugusoo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa la kulmay Xildhibaano diidan mooshin ay wadaan Guddoonka Barlamanka Puntland iyo Mudanayaal Taabacsan.
Xildhibaanadan ayaa markii uu Gaas kasoo dagay Garoonka Kanooko soo dhaweyn u sameeyay iyagoo kulan kooban kula qaatay Xarunta Madaxtooyada kahor inta aysan u ballamin kulankoodii xalay. Xubnahan ayaa markii hore doonayay in ajandahooda ay soo gudbiyaan soo dhaweyntiisa kadib, balse ay usuuro gali weyday madaama goobta uu ku sugnaa Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Barlamanka Puntland Cabdixamid Shiikh Cabdi-salaan.
Cabdixamid Shiikh Cabdisalaan oo ka tirsan xubnaha gudoonka mooshinkaan wada, ayaa hadal kooban uu ka jeediyey kulanka Xildhibanadu ku soo dhoweynayeen Madaxweyne Gaas ayaa sheegey in Puntland xasiloon tahay islamarkaana uusan jirin dhibaato ka taagan Barlamanka.
Sida warsidaha Garowe Online ogaadey hadalka Guddoomiye ku xigeenka ayaa waxaa ku gacan sayrey Xildhibano kale oo goobta ka hadlay kuwasoo sheegey in dhib ay jirto taasina ay tahay sababta Xildhibanada ugu wada sugan yihiin Madaxtooyada.
Ilo xog ogaal ah ayaa Warsidahan u xaqiijiyay in shir xalay ka dhacay Madaxtooyada Puntland oo ay goob joog ka ahaayeen Gaas, Camey iyo 28 Xildhibaan ay kawada hadleen arrintan ololaha ka socda Garoowe ee ay garwadeenka ka yihiin Guddoonka Golaha Shacabka. Kulankaan xalay ayaa waxaa aan goob joog aan aheyn Guddoonka Barlamanka gabi ahaan.
Sida uu horay u baahiyay Warsidaha Garowe Online, Guddoonka Barlamanka Puntland ayaa doonaya inay saamayn ku yeeshaan magaabista Guddiga Khilaafaadka Doorashada soo socota ee la filayo inay dhacdo 2019 taasoo sida caadada ahayd uu bisha December soo magacaabi jiray Madaxweynaha xilka kasii dagaya. Halkan ka Akhri
28-ka Xildhibaan ayaa Gaas uga waramay wixii ka dhacay Puntland mudadii uu jiray Muqdisho, iyo dedaalkii ay ku bixiyeen inay hor istaagaan qorshaha lagu afduubayo awoodii uu kusoo magacaabi lahaa 7 xubnood ee guddiga Khilaafaadka doorashooyinka Puntland.
Warsidaha Garowe Online ayaa fahamsan in arrintan uu walaac ka muujiyay Madaxweyne Gaas oo dhex-dhexaad ka muujinayay markii hore loollanka siyaasadeed ee ka socda Puntland, maadama uusan shaacin inuu raadinayo Madaxweynaha Puntland kalka soo socda.
Xildhibaanada diidan mooshinkan ayaa Gaas u sheegay in Guddoonku ay ku doodeen in Madaxweynaha Puntland uusan murashax ahayn, sidaas awgeed ay doonayaan inay soo magacowdaan Guddigan si ay u fushadaan qorshayaashooda siyaasadeed taasoo ugu weyntahay in dib beelahooda u soo magacowdaan.
Balse tallaabadan ayaa xogto tuhun galisay in Madaxweyne Gaas dhex-dhexaadnimadii hore wax iska badali doonaan maadaama uu doonayo inuu arrintan ka hortago. Wuxuu Xildhibaadii difaacay ee hor istaagay mooshinka u sheegay inuu ka dagaallami doono tallaabada Guddoonka ay maleegayaan.
Wararka uu kulankaas ka helay Garowe Online ayaa intaas ku daraysa in 28-kaas mudane ay Gaas ku adkeeyeen inuusan marnaba ogolaan ama uusan dabac u muujin Guddoonka si aan loo baalmarin nidaamkii hore ee doorashooyinkii ka dhacay Puntland 19 sano ee ay jirtay.
“Arrintan socota hadii ay sii adkaato oo ay jiitanto labada dhinacba qorshihiisa ku adkaysto waxaa laga yaabaa inay isu badasho mooshin ka dhan ah Guddoonka Barlamanka hadda hogaamiya Xildhibaanada,” sidaas waxaa GO u sheegay xildhibaan xog ogaal ah oo qariyay in magaciisa la xigto.
Kulankan ayaa yimid xilli caawa [10 December, 2017] la filayo in Madaxweyne Gaas la kulmo Guddoonka Barlamanka Puntland oo ay kawada hadlaan ololaha laga dhex-wado xarunta Xildhibaanada Puntland.
Muddo Sannad ah ayaa ka hartay waqtigii doorashada Puntland, waxaana socda tartan xoogan oo ay wadaan murashaxiin is-qarinaya oo doonaya inay galaangal ku dhex-yeeshaan xubnaha ugu tunka weyn Barlamanka Puntland, taasoo la aaminsanyahay inay dabada ka riixayso mooshinkan.
GAROWE ONLINE