​Gaas oo loogu baaqay inuu ka dhabeeyo Ballanqaadkii uu sameeyay

Image

GAROWE, Puntland- Wasiir ku-xigeenki hore ee wasaaradda Maaliyada Puntland Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan nidaamnka dimuqraadiyadda Puntland, caqabadaha hortaagan iyo marxaladdii laga soo maray aas-aaska Puntland.

Isagoo ka qayb galayay xaflad looga hadlayay barnaamijka Dimuqraadiyaynta Puntland oo ay soo qaban qaabiyeen Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland shalay 27 September, 2017 oo lagu qabtay Garowe, ayaa mas'uulkaas kaga hadlay habka lagu gaari karo nidaamkan u muuqday mid ay ka gaabinayso xukuumadda Madaxweyne Gaas.

Cabdi Qowdhan ayaa tilmaamay in Barnaamijkan Dimuqraadiyada ay hortaaganyihiin qaar kamid ah madaxda Dhaqanka iyo Siyaasiyiin wata dano gooni ah balse loollanka ku gala inay dadka iyo dalka wax u qabanayaan.

Wuxuu tusaale usoo qaatay Madaxweyne Gaas iyo qaabkii uu loollankaa ugu galay inuu Puntland waxbadan u qaban doono islamarkaana uu hirgalin doono nidaamkan iyo waliba kuwo kale oo badan kuwaasoo dhammaantood aysan waxba ka qabsoomin.

"Waad ogaydeen Madaxweyne Gaas isagoo fayow hadalkii uu yiri waqtigii doorashada, hadii aan hirgalin waayo nidaamka Dimuqraadiyadda hade ogaada Xukuumadaydu waa fashilantay. Marka Madaxweynaha waxaa looga fadhiyaa inuu hadalkaas ka dhabeeyo." Sidaas waxaa yiri Siyaasi Cabdi Qowdhan.

Isagoo sii hadlaya wuxuu dhaliilay Madaxda dhaqanka oo uu sheegay inay afduubteen codkii shacabka islamarkaana horseed u noqdeen in Puntland maanta joogto meel ka hoosaysa halkii lagu aas-aasay.

Shacabka Puntland ayuu sidoo kale ku eedeeyay inay qayb ka yihiin dhibaatada ka taagan waddanka islamarkaana hortaagan nidaamka Axsaabta Badan isagoo xusay inaysan ku baraarugsanayn hormarka iyo faa'iidooyinka uu leeyahay Barnaamijkan.

Mar uu baaq u dirayay dhinacyada uu ku eedeeyay inay barnaamijkna hortaaganyihiin, wuxuu ka codsaday inay ka shaqeeyaan danta shacabka oo ay ILLAAH ka baqaan kana tanaasulaan, danaha gaarka ah ee ay ku badalanayaan qorshaha guud ee hormarka dalka.

Wasiirkan hore ayaa sidoo kale beesha caalamka iyo hay'adaha daneeya arrimaha dimuqraadiyadda Puntland ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii looga gudbi lahaa habka wax ku qaybsiga beelaha oo muddo 19 sano ah lagu soo caano maalayay.

Hadalkan ayaa kusoo beegmay xilli maalmahan guddiga Doorashooyinka Puntland ay sameeyeen dhaq-dhaqaaq ku aadan sidii bulshada loogu wacyigalin lahaa nidaamkan xilli  sannad iyo bilo ay ka hartay muddo xileedka dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas.

Halkan ka Daawo Khudbadda Cabdi Qowdhan uu k jeediyay Xafladdaas

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM