Gaas oo mas'uuliyiin usoo magaacabay qaar kamid ah wasaaradaha Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdowali Maxamed Cali Gaas, ayaa lagu magacaabay wasiir ku-xigeenno iyo wasiir dowlayaal qaar kamid ah wasaaradaha Puntland.

Nuqul kamid digreetada oo soo gaartay Warsidaha GO, ayaa u qornayd qaabkan hoose;

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiis kiisa ka soo saaray  degreeto xeer  Madaxweyne Lr.39 ee April 02 2017 kuna saabsan magcaabis Wasiiru Dawlayaal iyo Wasiiro Kuxigeeno.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:                      Dastuurka Dawladda Puntland

Markuu tixgeliyey.                Aqoontooda iyo khibradooda shaqo

Markuu latashaday:             Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1.      Waxaa Cabdiweli Seed Cilmi loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

2.      Waxaa Cabdifataax Ashkir Nuur loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Warfaafinta Hiddaha iyo Dhaqanka.

3.      Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil ( Sheekh Aduun) loo magcaabay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Hiddaha iyo Dhaqanka.

4.      Waxaa Dr. Nuur Axmed Yuusuf loo magcaabay Wasiir kuxigeenka wasaarada Xanaanada Xoolaha.

5.      Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

Magacaabista mas'uuliyiintan ayaa timid xilli la filayay in Madaxweyne Gaas isku shaandheeyo golahiisa wasiirrada, waxaana wasaaradda Warfaafinta in muddo ah ay ahayd wasiir la'aan kadib markii uu is-casilay Maxamud Soocade.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ardey Soomaaliyeed oo Lagu Xirey Turkiga loona Soo Tarxiiley Soomaaliya

Qaar ka mid ah ehelkiisa oo la hadlay Garowe Online waxay sheegeen in aan wali si rasmi…

  • Puntland

    27-07-2025

  • 10:47AM

Mareykanka oo howlgal gaar ah ka fuliyay Buuraha Calmiskaad, Puntland

Taliye sare oo katirsan kooxda ayaa lagu qabtay, kaasoo la sheegay inuu u qaabilsanaa dhanka maaliyadda.

  • Puntland

    26-07-2025

  • 02:03PM