Gaas oo raashin ganacsatada Puntland ku deeqeen u qaadey dadka abaareysan

Image

BOSSASO, Puntland- Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo ku sugnaa mudooyinkii ugu dambeeyey magalada Bosaso ayaa wararka sheegayaan inuu u safrey degaanada Barriga halka soo ay  u naq guureem dadka abaaruhu saameynta ku yeesheen.

Gaas oo habeenkii xalay ku sugnaa tuulada Xiriiro ee hoostimaada gobolka Karkaar ayaa wararka maanta ka imaanaya sheegayaan inuu u gudbey degmada Xaafuun gobolka Barri.

Raashinka Madaxweynaha Puntland u qaadey dadka u guurey degaankaas ayaa sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay waxaa ku deeqey intiisa badan ganacsatada ku sugan magaalada Bossaso.

Wararka ayaa sheegaya in ganactada ku deeqdey raashin kala duwan oo gaaraya 2500 Kiish halka dowlada Puntland ka bixisay cashuurta laga qaado shacabka bixisey 500 kiish.

Madaxweynaha Puntland oo maalmihii ugu dambeeyey shirar kula jirey ganacsatada ayaa codsigaan u gudbiyey  madaama ay u sahleyso in safarkaan ugu ambabaxo degaanada Barriga.

GAROWEONLINE kala soco wararka la xiriirka safarka Madaxweynaha Puntland.

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM