​Gaas oo TV Puntland ka hadlay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa faah faahshay hishiiskii ay wada gaareen Puntland iyo dowladda Federalka Somalia, wuxuuna tilmaamay in arrintaasi sababtay duruufo jira, isagoo shaaciyay in Puntland is bar-bardhigtay dhawr arrimood  oo kala ahaa;

1. In Puntland ka go'do Somalia inteeda kale

2.Inay ka harto doorashada 2016 oo aysan waxba ku darsan

3.Iyo Puntland hesho waxay ku bur-burin karto go'aankeedii hore.

Gaas oo ka hadlayay TV-ga dowladda, ayaa tilmaamay in dood dheer kadib la go'aansaday in Puntland Somalia kasii mid ahaato islamarkaana jeexdo waddo cusub oo damaanad qaadaya sidii looga tagi lahaa nidaamka wax ku qaybsiga beelaha wixii ka dambeeya 2016.

Wuxuu sheegay Puntland inay arrintaasi qaadatay iyadoo eegaysa danta shacabka Somaliyeed iyo sidii looga fogaan lahaa kala qoqobnaanta hadda jirta oo sii ballaarata iyo bur bur soo wajaha shacabka mudada dheer dhibka ku jiray.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku nuux nuuxsaday inay hishiiskani horseedayo sidii loo gaari lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo Somalia ka dhacda 2020 kaasi oo sheegay in la sameeyay khariiradii lagu gaari lahaa nidaamkaasi islamarkaana looga baaqsan laha mar-marsiiyo keeni kara ku noqoshada habka qabaliga ah ee 4.5.

Hadalkan uu galabta jeediyay madaxweynaha Puntland, ayaa kusoo beegmay xilli aad loo tafaasiiliyay hishiiska dhexmaray Puntland iyo dowladda Federalka Somalia, taasi oo dadka aaminsanaayeen inaysan suuro galin karin ilaa la helo arrimo lagu qancin karo oo ay kaga tanaasuli karaan, waxaana hishiiska kadib soo baxay dhaliilo kala duwan oo ka yimi shacabka iyo siyaasiyiinta kuwaasi oo hishiiska ku sifeeyay is-afgarad iyagoo meesha ka saaray inaysan macquul noqon karin aqbalaadda uu madaxweyne Gaas sameeyay.

Axadii lasoo dhaafay saq dhexe ayay ahayd markii dowladda Federalka wafdiga kasocda iyo madaxweyne Gaas ku hishiiyeen afar qodob oo la faah faahiyay, waxaana qoraalkaasi lagu muujiyay in doorashadan wixii ka dambeeya Somalia ka tallaabsan doonto qabiil.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM