Gaas oo wada shirar ku saabsan amniga Mudug
GALKACYO, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa magaalada Galkacyo xarunta gobolka kawada shirar ku saabsan amniga la qaadanaya bulshada qaybaheeda kala duwan, kadib markii muddooyinkii dambe halkaas ay kasocdeen falal liddi ku amniga.
Madaxweynaha Puntland, ayaa saakadii hore shir la qaaday saraakiisha amniga gobolkaas isagoo kala hadlay xasiloonida iyo sababaha keenay dilalka qorshaysan inay kusoo bataan gobolka.
Taliyaasha ciidamada oo asbaabahaas ka hadlayay ayaa ku dhaliilay maamullada gobolka iyo degmada oo ay sheegeen in habacsanaantu dhankaas ka jirto.
Balse Gaas, ayaa faray inay labo jibaaraan sidii loo sugi lahaa nabadda Galkacyo iyo guud ahaan gobolka, wuxuuna ugu baaqay inay la yimaadaan siyaasad cad oo wax looga qaban karo dilalka ku dhofoo ka dhaqaaqda ah.
Madaxwaynaha ayaa kulankaas kadib shir gooni ah la qaatay guddiga Nabad galyada gobolka iyo maamulka Mudug, isagoo kala hadlay waxyaabaha kasoo kordhay Galkacyo ee xasiloonida ku saabsan.
Waxaa sidoo kale la filayaa inuu Madaxweyne Gaas la kulmo bulshada Galkacyo si uu ugala hadlo amniga iyo wad-shaqayn dhex-marta shacabka iyo ciidamada.
Kulamadaas ayaa saaxaafaddu dib joog ka tahay.
Tan iyo wixii ka dambeeyay safarkii ugu dambeeyay Madaxweynuhu ku tagay Ethiopia waxaa Galkacyo lagu dilay dhowr qof oo ay ku jireen saraakiil iyo nabadoono.
Majirto falalkaas cid loo soo qabtay iyo waliba ciddii ka dambaysay, marka laga yimaado tuhun ah inay mas’uul ka yihiin kooxda Al Shabaab.
Maaha markii ugu horaysay kulamo ku saabsan xaaladda gobolka uu Madaxweyne Gaas la qaato bulshada Galkacyo.
GAROWEONLINE