Gaas oo xariga ka jaray Suuq laga dhisay Bosaso

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 02 October 2017 xariga ka jaray Suuq-weyne Casri ah kaasoo magaalada Bosaso ay ka hirgalisay dowladda Japan.

Xadhig jarka suuqa cusub (New Bosaso Market), waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey maamulka gobolka Bari, kan degmada Bosaso, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, taliska qaybta gobolka Bari iyo qaar kamid ah bulshada rayid ka ah.

Duqa degmada Boosaaso Yaasiin Mire Maxamuud ayaa  faahfaahin ka bixiyey ganacsiyada kala duwan  ee lagaga faa'iidaysan doono suuqani, waxaana uu sheegay in suuqan isugu jiridoono gacacsiyo ay kamid yihiin kaluunka, qudaarta, hilibka, bagaashka, qaybta dahabka iyo walxaha lasyku qurxiyo (Cosmetics).

Mire, ayaa xusay in suuqayn ay ku ganacsan doonaan bulshada rayidka ah iyo weliba dadka Yamaniyiinta ah ee kasoo qaxay dagaalada ka socda Yeman.

Guddomiyaha gobolka Bari Maxamed Yuusuf Wacays ayaa dhankiisa xusay in Suuqa cusub ee Bosaso uu guul weyn dhismahan isagoo shacabka faray inay ilaashadaan.

Madaxweynaha Gaas ayaa boqaadiyey cidkasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta suuqa Cusub gaar ahaan dawladda Jaban oo bixisay kharashka ku baxay mashruucan, hay'adda UNOPS  iyo degmada Bosaso oo ka qayb qaatay qalabaynta Mashruuca, iyo shirkadda Albashid oo dhistay Suuqaas, 

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha mashruucan kamid yahay horumarka ay ku talaabsanayso Puntland  gaar ahaan gobolka Bari, welibana waxa uu xusay in suuqyo badan oo noocan ah dawladdu ku tala-jirto inay dhisto.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in laga wada qayb qaato horumarka, gaar ahaan kor uqaadida ganacsiga oo kamid ah meelaha dawladdu xooga ku saarayso inuu ahaado mid kobacsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM