Gaas oo xil kale u magacaabay Quraan Jecel

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa xil kale u magacaabay Afhayeenkii Madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Quraan Jecel).

Digreetada Madaxweyne Gaas ayaa afhayeenka isagoo xilkiisii hore haya loo magacaabay Wasiir dowlaha Madaxtooyada iyo xiriirka gobollada Puntland.

Mas’uulkan oo mudadii uu hayay Madaxweyne Xilka ahaa Afhayeenka Xukuumadda halka xukuumadii hore uu kamid ahaa golaha Barlamanka Puntland

Hoos ka akhriso Qoraalka lagu magacaabay Quraan Jecel oo nuqul kamid ah soo gaaray Garowe Online.

Digreeto Maanta Kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magcaabay xeer Madaxweyne Lr.101 August 16 2017 Wasiirru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha, Ahna Af-hayeenka Madaxtooyada Cabdullahi Maxamed Jaamac (Qudhaan Jecel).

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:-                      Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey:-               Aqoontiisa iyo Khibradiisa Shaqo.

Wuxuu Xeeriyey:-

1.      Waxaa Cabdullaahi Maxamed Jaamac ( Qudhaan Jecel ) loo         magcaabay Wasiirru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka                 Goleyaasha, Ahna Af-hayeenka Madaxtooyada.

2.      Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu               Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM