​Gaas: Shirka Kismaayo Ujeedo gooni ah lagama laha

Image

BOOSAASO, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u dhoofay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland halkaasoo ay ka dhici doono shir looga hadlayo xaaladda dalka.

Cabdiwali Gaas ayaa farxadweyn ku tilmaamay ka qayb galkiisa kulankaas oo uu sheegay in waxyaabo badan looga hadlayo gaar ahaan wada-shaqaynta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

“Waxaa farxad weyn noo ah inaan maanta aadayo magaalada Kismayo, kaga qayb galayo shirka madaxda dowladda goboleedyadu isugu imaanayaan.” Ayuu yiri Gaas.

Isagoo tafaasiil kooban ka bixinayay Ajandayaasha diiradda lagu saari doono shirka Kismaayo, wuxuu sheegay inay ka tashan doonaan qodobo ay kamid tahay Wada-shaqaynta maamullada, qaybsiga Khayraadka dalka iyo hormarka Soomaaliya.

 “Shirkan tafaasiil badan ayaa laga bixiyay, laakiin guntu waxaa weeye in maamulladu isu yimaadaan, danahooda iyo duruufaha gaarka u ah kawada hadlaan, taas macnaheedu maaha in ujeedo gooni ah laga leeyahay, ee waxaa weeye in laga tashado howlaha qaranka ee socda oo ay kamidyihiin Dastuurka, awoodqaybsiga, qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka, marka waxaa jira waxbadan oo si gooni ah u khusaynaya iyaga oo u baahan inay kawada hadlaan,” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland mar uu ka dhoofayay maanta magaalada Boosaaso.

Wuxuu tilmaamay in heshiiska kulankaas uu dhabada u xaarayo in maamullada dalka iyo dowladda dhexe si dhow u wada shaqeeyaan oo ay ka qayb qaataan masiirka, hormarka iyo geedi socodka nabadda Soomaaliya.

Cabdiwali Gaas ayaa ugu dambayn rajo wanaagsan ka muujiyay in natiijo wanaagsan kasoo baxdo shirkaas ka furmi doona magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Puntland ayaa ahaa mas’uulkii ugu dambeeyay ee maanta tagaya Magaalada Kismayo, waxaana kasii horeeyay madaxda maamullada Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug.

Halkan ka Daawo shirka Jaraa'id ee Madaxweyne Gaas ku qabtay magaalada Boosaaso

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM