Gaas: Somaliland nabad kuma joogi doonto dhulka ay qabsatay [Dhageyso]

Image

GAROOWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" oo maanta dib ugu soo laabtey magaalada Garoowe, ayaa ka hadlay dagaalka kasoo cusboonaadey gobolka Sool.

Isagoo la hadlayay warbaahinta, Madaxweyne Gaas ayaa marka hore uu hambalyeeyay Ciidamada maamulkiisa ee ku sugan jiida hore ee dagaalka, islamarkaana u taagan difaaca dhulka Puntland.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in Somaliland aysan nabad ku joogi doonin dhulka ay ka qabsatay Puntland, waxaana uu ku dhawaaqay inuu sii socon doono dagaalka illaa laga xureynayo deegaanada.

"Waxaan rabaa inaan halkan hambalyo uga diro ciidamada xoogga dalka ee Puntland meelkasta oo ay joogaan oo u taagan difaaca dalka, ee ka difaaca dadka horarka ah ee raba in dal iyo dhul aysan lahayn inta kusoo duulaan oo qabsadaan inay si nabad-gelyo ah u joogaan, taasina waxaan uu sheegayaa inaysan suurtagal ahayn," ayuu yiri Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa intaasi ku daray in Dagaalka ka dhanka ah maamulka Somaliland uu sii socon doonaa illaa dhulka Puntland dhamaantiisa laga xureynayo.

"Waxaan u sheegayaa Muuse Biixi iyo dowladiisa gooni u goosadka ah in Puntland ay diyaar u tahay inay dalkeeda difaacdo, iskana celiso cid kasta oo kusoo duusha," ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweyne Gaas.

Wuxuu sheegay in Somaliland ay xaq-darro ku socoto oo ay doonayso inay dhul aysan lahayn xoog ku qabsato, kadibna ay sharciyeysato, taasina aysan ahayn mid u suurta-galaysa.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Gaas ayaa ugu baaqay shacabka Puntland meel kastoo ay joogaan dal iyo dibad inay u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda.

Hadalka Gaas ayaa yimid labo maalmood kadib markii dagaal uu ka dhacay Tukaraq, kaasi oo Puntland iyo Somaliland ay guula kala duwan ka kala sheegteen, iyadoo walina ay taahan tahay saan-saan colaadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Mareykanka oo Qabtay Hoggaamiye ISIS ah oo Cunaqabatayn Saarneyd

Sida lagu xusay warbixinaha, kooxda ayaa sanadkii 2022 ka heshay ku dhawaad $2 milyan oo baad ah, halka sanadkii ka horreeyay la sheegay inay ka heleen $2.5 milyan.

  • Puntland

    25-07-2025

  • 01:33PM

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM