Gaas: Sun Allaah iiga dhigo hal Doolar igama soo gelin heshiiska DP World

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas], ayaa iska fogeeyay in uu wax is-dabamarin ku sameeyay mashruuca balaarinta dekada magaala xeebeedka Boosaaso.

Heshiiskaas bishii October sanadkii 2017-kii lala galay shirkada Imaaraadka laga leeyahay ee DP World ayaa xeerinaya in ay ku sameyneyso maalgashi dhan $336 milyan isla markaana ay maamuleyso muddo 30-sano ah.

Qodobada heshiiska ku jiray waxaa kamid ahaa in la dhisayo dekad macmal ah oo shaqada kusii soconeyso inta marsada weyn laga hirgelinayo.

Gaas oo ka shanqariyey in saxiixa qandaraaskaas ay dowlada Puntland ku heshay aduun dhan $15 milyan oo Doolar ayaa beeniyey in uu lunsaday.

"Markan heshiiska sidaas u galnay, 30-sano waqti badan maahan adeer, waxay ahayd in lacag qiyaasitii $300 milyan ah in la geliyo dekada; maalintii heshiiska la bilaabay [ayaa] qaylo la bilaabay 'dekada ayaa la iib-sadayey, lacag baa la cunayey'; by the way annaga waxaa jirta lacag $15 milyan oo dowladda Puntland la siiyey oo ahayd 'singing policy agreement' sun Allah iiga dhigo hal Doolar in aysan aniga Cabdiwali ahaan iyo [qoyskeyga] aysan soo gelin, waa dhaartay, waa kuu dhaaranayaa," ayuu u sheegay telefishinka Somali Cable.

Lacagta 15 milyan Doolar ayuu wariyey in dowladiisa ku meelgelisay mashaariicyo ay kamid yihiin dhismaha garoonka diyaaradaha magaala madaxda Garowe, wadada Ceeldaahir-Ceerigoobo iyo kabiga miisaaniyadda.

Ra'iisul wasaarihii hore ee dowladii ku meelgaarka ahayd ee Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu "baragadaando" ku sifeeyay warbixinada qaar ee tilmaamaya in lacagtaas ay ahayd 32 milyan Doolar.

Balse, wuxuu gabi ahaanba ka fogaadey in uu qiro laaluush dhan $2 milyan oo uu ku bixiyey in uu baarlamaanka meelmariyo heshiiska. 28-kii Luulyo, 2017-kii ayuu goluhu cod wadar ogol ah ku ansixiyey.

Is-difaacitaanka Gaas ayaa imaaneysa xilli dowlada Puntland ee hadda jirta ay caqabad kala kulantay heshiiska maadaama uusan wali fulin.

Isagoo ka hadlayey baarlamaanka haatan shaqeynaya oo go'aan ku gaarey in uu dib-u-eegis ku sameeyo heshiiska, Maxamed Cabdi Cismaan, wasiirka hadda jooga ee dekadaha, ayaa xusay in ay balamo la leeyihiin DP World.

Wasiirka oo xusay in madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo ugu safrayo Imaaraadka si xal looga gaaro arrintaan ayaa tabiyey in wadahadalo ay horey ugu heshiiyeen Maaj, 2020 uu baajiyey Coronavirus.

"Waqtiga ugu horeeya oo isu socodka furmo, waxaanu haysanaa casuumaad in aanu ku tagno," ayuu ku daray, isagoo xusay in wadaxaajoodka yahay kama dambeys "shaqo lagu bilaabayo ama kala bax dhib la'aan".

Xilli uu kalsooni ka muujiyey in ay hirgasho garnaqsiga Puntland ee ah in shirkada la siiyey waqti badan, Mr Maxamed ayaa ka dhawaajiyey in Imaaraadka balanqaadey in kulanka xiga uu noqonayo "miradhal".

DP World ayaa damacsan in ay inta ay dib u ceshaneyso lacagta magaca Puntland looga cunay mudadii xafiiska joogay Gaas ay sii maamusho dekada Boosaaso oo tan iyo markii lagu warejiyay aysan horumar ku sameyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM