Gaashaan oo loo doortay Guddoomiyaha Mu’asasada Jaamacadda EAU

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo horay Puntland uga soo noqday Wasiir ayaa laga dhigay Guddoomiyaha Mu’asasada Khayriga ah ee Jaamacadda Bariga Africa.

Xaflad xalay lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa lagu shaaciyay in Gaashaan uu noqdo Guddoomiyaha Mu’asasadaas, waxaana ku wareejiyay oo xilkan horay u hayay Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Africa Aadan Sheekh Doon Cali.

“Waxaa isugu nimi xafladdan inaan guddoonkii Mu’asasada Khayriga ah ee Jaamacadda Bariga ku wareejino Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo ah runtii nin horay loo soo tijaabiyay oo buuxin kara booskaas,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Sheekh Doon.

Gaashaan ayaa sheegay inuu xilkaas aqbalay islamarkaana si daacad ah ugu adeegi doono shacabka, “Waxaan u mahadcelinayaa ILAAHAY ka sokow Jaamacadda Bariga Africa oo Guddoomiyaheedu Aadan Sheekh Doon oo xilkan culus ii idmaday iguna sharfay waxaana idiin sheegayaa inaan xilkaas Aqbalay.”

Qaar kamid ah marti sharaftii kasoo qayb galay oo Culimo, Aqoonyahan, madax dhaqameed iyo culimo isugu jira ayaa sheegay in Jaamacadaha dalka aysan hormar samayn karin ilaa la helo hay’ado taakuleeya, waxayna tilmaamay in arrintan waxbadan kusoo kordhin doonto Jaamacadda.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Puntland, Saalax Xabiib Xaaji Jaamac oo munaasabaddaas soo xiray ayaa sheegay in Barnaamijkan uu kaabayo Ardayda iyo jaamacadda intaba, isagoo xusay in xarumaha waxbarashada ee caalamka ay leeyihiin mu’asasaat ka shaqeeya taakulaynta Jaamacadda iyo Ardayda intaba.

Wuxuu soo dhaweeyay magacaabista Gaashaan isagoo tilmaamay inay la shaqayn doonaan.

Jaamacadda Bariga Africa ayaa kamid ah Jaamacadaha hormarka sameeyay bur-burkii dowladdi dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM