Gabdho matalaya maamul goboleedyada Somalia oo koob uga furmay Garowe [Sawirro]
GAROWE, Puntland- Kooxo gabdho ah oo matalaya maamul goboleedyada Somalia, ayaa galabta koob kubadda Kolayga ah uga furmay garoonka Mire Awaare ee magaalo madaxda Puntland ee Garowe.
Koobkan, ayaa waxaa ku tartami doono ilaa lix kooxood oo kasocda, maamullada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir.
Munaasabad lagu furayay cayaartaas, ayaa waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin kasocota xukuumadda, gobolka Nugaal, degmada Garowe, Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo saraakiil kale iyadoo sidoo kale ay garoonka soo buux dhaafiyeen taageerayaal dumar u badnaa.
Tartanka, ayaa waxaa lagu furay labo kooxood oo kala matalaya Puntland iyo Bilan oo kasocotay gobolka Banaadir oo tartanka uga qayb gali doono labo naadi.
Cayaartaas, waxaa guushu raacday xulka Puntland keensaday 34 dhibcood, halka Bilan ay la timid 18 dhibcood.
Loollanka xiga, ayaa dhexmaray labada kooxood oo kasocday gobolka Banaadir iyo Hir-Shabeelle, waxaana guulaystay kooxda katimid gobolka Banaadir oo guushu ku raacday 33 halka naadiga Hir-Shabeelle la yimid 30.
Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Faraweyne iyo Duqa demgada Garowe, Xasan Maxamed Ciise Goodir, ayaa tartankaas soo dhaweeyay, waxayna sheegeen in cayaartan gogosheeda ay dhigtay dowladda Puntland islamarkaana aysan jiri karin cid is-hortaag ku samayn karta, waxayna guul u rajeeyeen dhammaan naadiyaasha tartanka ka qayb galaya.
Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo maanta soo gaartay caasumadda Garowe, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay ka qayb galka koobkan furitaankiisa, waxayna wax lagu faano ku tilmaamtay inay timaado waddankeedaoo hormar ka socdo.
Wasiir dowlaha Madaxtooyada iyo xiriirka gobollada Puntland, Bashiir Gurxan, ayaa dhankiisa cadeeyay inay tartanka ujeedkiisu yahay sidii loo hormarin lahaa cayaaraha gabdhaha, islamarkaana loo soo noolayn lahaa taariikhdii Somalia ku lahay kubadda Kolayga, wuxuuna u mahad-celiyay dhammaan cidda isku howshay qabsoomidda arrintan.
Waa markii ugu horaysay tartan noocaan ah uu ka dhaco Somalia, wixii ka dambeeyay bur-burkii dowladdii dhexe ee hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre. Koobkan, ayaa la qabtay bilooyin kadib markii caasumadda Somalia lagusoo gaba gabeeyay tartankii kubadda Cagta ee loo dhigay naadiyaal kasocda maamullada waddanka ka jira, kaasoo ay kusoo guulasatay naadigii matalayay Puntland.
Haddaba is-weydiintu waxay tahay kooxda Puntland matalaysa tartanka gabdhaha maqaadi doontaa oo ma raacaysaa wadadii ay mareen naadigii Xamar koobka kasoo qaaday, mise Koox kale ayaa calafkeedu yahay?.
GAROWEONLINE