Galkacayo: taliyihii cashuuraha berriga Mudug oo qarax lagu diley

Image

March 1, 2015 (GO)- Taliyihii ciidamada cashuuraha berriga ee gobolka Mudug Duraan Cumar (Qaylo) ayaa ku geeriyoodey qarax goor dhow magaalada Galkacayo ka dhacay.

Gaari uu mas'uulkaasi watey ayaa qarxey xilli uu marayey agagaarka xarunta shirkadda Golis lamana xaqiijin ilaa iyo hadda in qaraxu ka dhashay miino jidka dhinaciisa la dhigey iyo in bamka qarxey ahaa nooca gawaarida lagu dhejiyo.

Ma jirto cid kale oo waxyeelo kasoo gaartey qaraxa marka laga reebo Taliye Qaylo oo keligiis gaariga la bartilmaameedsadey saarnaa.

Mas'uuliyadda weerarkan cidna ma sheegan balse saraakiisha booliska Mudug ayaa ku eedeeyey Al-shabab oo horey weerarro caynkan oo kale ahaa Gaalkacayo uga fulisey.

Ammaanka Galkacayo oo soo xumaanaya:

November 18, 2014- Weriye ka tirsanaa Radio Daljir  iyo Horn Cable TV ayaa lagu diley degmada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.  

Jan 2, 2015 waxaa qarax lala beegsaday gaari ay la socdeen macallimiin Kenyan ah oo wax ka dhiga dugsiga Yameska. Hal qof ayaa weerarkaas ku dhintey labo kalena way ku dhaawacmeen.

January 17, 2015 bam-gacmeed ayaa lagu tuurey xarunta Radio Galkacayo.

February 3, 2015 waxaa isku day dil ka badbaadey xisaabiyaha xafiiska Wasaarada Maaliyada Puntland ee gobolka Mudug Siciid Cali Yuusuf (Gaada yare) kadib markii gaarigiisa lagu qarxiyey miino jidka dhinaciisa lagu aasey.

Isla maalintaas February 3, 2015  waxaa magaalada Gaalkacayo lagu diley Maxamuud Diiriye Bidaar oo ahaa guddoomiyihii xaafadda Garsoor.

Ammaanka magaalooyinka Galkacayo iyo Bosaso ayaa todobaadyadii u dambeeyey soo xumaanayey, waxayna arintani kusoo aadeysaa xilli uu jiro khilaaf ka dhex taagan qaar kamid ah saraakiisha laamaha ammaanka iyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM