GALKACYO: Nabadoon isku day dil ka bad-baaday

Image

GALKACYO, Puntland- Labo dhalinyaro ah ayaa Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug ku weeraray Nabadoon Xaaji Cariish oo ka tirsan waxgaradka gobolka sidoo kale ahaa sarkaal ciidan oo Puntland iyo dowladdi dhexe ee Milateriga lasoo shaqeeyay.

Nabadoonka ayaa lagu weeraray xaafadda Israac wax yar ka hor salaaddii Maqrib.

Dhaawac sahlan ayaa kasoo gaaray Nabadoon Cariish, waxaana wararku sheegayaan in Madaxa iyo Gacan kaga dhaceen xabado dhowr ah.

Labo qof ayaa werarkaas gaystay kuwaasoo u baxsaday dhinaca Koonfureed ee magaalada Galkacyo.

Dadkii ka agdhawaa goobta lagu weeraary nabadoonka ayaa isku dayay inay qabtaa dambiilayaashaas, balse waxay isaga reebeen sida dad goob joogayaal ah xuseen xabado iyo bambaanooyin.

Cariish ayaa xaaladiisu wanaagsantahay, kadib markii qaliin lagu sameeyay.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay maamulka gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM