Gallan oo isu-sharaxay Madaxweynaha Puntland 2019

Image

BOOSAASO, Puntland- Guddoomiyihii hore gobolka Bari, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa caawa magaalada Boosaaso ku qabsaday xaflad uu ku shaacinayay murashaxnimadiisa Madaxweynaha Puntland ee sannadka soo socda 2019.

Xaflad ay kasoo qayb galeen siyaasiyiin uu kamid ahaa Guddoomiyihii hore ee Barlamanka Puntland, Siciid Xasan Shire.iyo xubno matalayay qaybaha kala duwan ee bulshada ayuu Gallan ku sheegay inuu u taaganyahay qabashada xilka Madaxweynaha Puntland, kadib markii uu arkay xaaladda waddanka iyo inuu yahay shakhsi wax ka qaban kara sida uu hadalka u dhigay.

Cabdisamad Gallan ayaa sheegay inuu leeyahay aqoon maamul oo uga soo bixi karo booskaas.

Hadalo ay jeediyeen dad u badnaa duubabka dhaqan, ayaa soo dhaweeyay murashaxnimada Gallan, waxayna tilmaameen inuu u egyahay shakhsi guulaysan kara.

Tallaabadan ayaa timid xilli ay horay isu shaaciyeen murashaxiin badan oo kasoo kala jeeda gobollada kala duwan ee Puntland, kuwaasoo loollan ugu jira qabashada xilka Madaxweynaha Puntland.

Balse tallaabada Gallan ayaa imaanaysa xilli uu aad u soo caanbaxay mudadii uu xilka hayay Madaxweyne Gaas gaar ahaan waqtigii xilka laga qaaday Guddoomiye Gallan islamarkaana ay isku dhaceen Madaxweynaha, taasoo sababtay inuu ka baxo magaalada Boosaaso kadib markii lagu weeraray gurigiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM