Gallan oo isu-sharaxay Madaxweynaha Puntland 2019

Image

BOOSAASO, Puntland- Guddoomiyihii hore gobolka Bari, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa caawa magaalada Boosaaso ku qabsaday xaflad uu ku shaacinayay murashaxnimadiisa Madaxweynaha Puntland ee sannadka soo socda 2019.

Xaflad ay kasoo qayb galeen siyaasiyiin uu kamid ahaa Guddoomiyihii hore ee Barlamanka Puntland, Siciid Xasan Shire.iyo xubno matalayay qaybaha kala duwan ee bulshada ayuu Gallan ku sheegay inuu u taaganyahay qabashada xilka Madaxweynaha Puntland, kadib markii uu arkay xaaladda waddanka iyo inuu yahay shakhsi wax ka qaban kara sida uu hadalka u dhigay.

Cabdisamad Gallan ayaa sheegay inuu leeyahay aqoon maamul oo uga soo bixi karo booskaas.

Hadalo ay jeediyeen dad u badnaa duubabka dhaqan, ayaa soo dhaweeyay murashaxnimada Gallan, waxayna tilmaameen inuu u egyahay shakhsi guulaysan kara.

Tallaabadan ayaa timid xilli ay horay isu shaaciyeen murashaxiin badan oo kasoo kala jeeda gobollada kala duwan ee Puntland, kuwaasoo loollan ugu jira qabashada xilka Madaxweynaha Puntland.

Balse tallaabada Gallan ayaa imaanaysa xilli uu aad u soo caanbaxay mudadii uu xilka hayay Madaxweyne Gaas gaar ahaan waqtigii xilka laga qaaday Guddoomiye Gallan islamarkaana ay isku dhaceen Madaxweynaha, taasoo sababtay inuu ka baxo magaalada Boosaaso kadib markii lagu weeraray gurigiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM