Galmudug oo iska fogeysey eedeyntii GudoomiyeTigey

Image

January 26, 2015 (GO)- Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay eedeyn loo jeediyey kadib markii qalab ay lahayd hay’adda dhismaha jidadka Puntland ee PHA lagu dhacay inta u dhexaysa Galkacayo iyo Garacad.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug Aways Cali Siciid ayaa cambaareeyey falkaas isagoo sheegay in aysan lug ku lahayn qalabkaas la dhacay.

Aways wuxuu meesha ka saaray in rag ka soo jeeda Galmudug ay dhaawaceen laba qof oo xoolo dhaqato ah isla markaasna afduubteen qalabka dhisme ee loo waday Garacad.

Galmudug waxay ku dhaawaqday baaritaan arrintaas la xiriira oo ay samayn doonaan. Aways oo saxaafadda Galkacayo la hadlayeyna wuxuu sheegay in maamulkoodu uu dhowrayo in nabad lagu wada noolaado.

Kooxdii qalabka dhacay sadqii dhexe habeen hore, waxay dhaawac u geysteen askari ka tirsan ciidamada Amniga, sida laga soo xigtay maamulka gobolka Mudug.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed yuusuf Tigey oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Galkacayo, ayaa ku eedeyey meleyshiyo ka soo jeeda Galmudug in ay jidka u galeen agab dhisme oo loo qorsheeyey in lagu hagaajiyo wadada Wadaagsin.

Tigey wuxuu sheegay in aysan u dulqaadan karin in wax la yeelo shacabka Puntland, isagoo waxgaradka Galmudug ugu baaqay in ay soo jeensadaan oo ay wax ka qabtaan collaada la hurinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM