Ganacsade ka shaqeysta suuqa sarifka lacagta oo Garowe lagu xirey

Image

GAROWE, Puntland- Magaalada Garowe ayaa waxaa lagu xirey maalintii shaley 3 Feb,2017 ganacsade ka shaqeysta suuqa sarifka lacagta magaalada Garowe kadib markii wareysi uu ku bixiyey in sicir bararka ka jira Puntland mas'uul ka tahay xukuumada Puntland.

Cabdulqaadir Warsame Muse oo wareysi siiyey idaacadaha ayaa sheegey in dhibaatada sicir bararka timid kadib markii xukuumadu daabacdey lacag Shillin Somali taasoo sababtey in dollar ku yaraado suuqyada Puntland.

Sariflahaan ayaa sidoo kale sheegey in lacagta Shillin Somaliga ah ee lagu daabaco gudaha Puntland sababtey in lagu sarifto lacagta dollarka ee taaala suuqyada Puntland.

Wararka warsidaha Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in amarka lagu xirey ganacsadahaan uu bixiyey madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad oo dhowaan dib ugu soo noqdey magaalo madaxda Puntland.

Magaalooyinka Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafey waxaa ka socdey mudaharaadyo looga soo horjeedo dhibaatada Sicir bararka ka Jira suuqyada kasoo abuurey in maciishadu qaaliyowdo.

Shacabka Puntland ayaa sadexdii sano ee lasoo dhaafey waxaa dhibaatooyin ka haystaan amni xumo, sicir barar iyo abaaro saameyn ku yeeshey dadka reer guuraaga ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM