Garoonka Bosaso oo xarigga laga jaray [sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

08 January, 2016(GO)-Waxaa maanta si rasmi ah xarigga looga jaray garoonka diyaaradaha magalada Bosaso xarunta gobolka Bari kaasoo ku fadhiya baaxad dhuleed oo le'eg 3KM.

Munaasabadda xarig jarka oo ka dhacday madaarka dhexdiisa, waxaa si wadajir ah xarigga uga jaray Madaxweynaha Somalia, Madaxweynaha Puntland, safiirrada Shiinaha iyo Talyaaniga.

Xafladda daahfurka ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno kasocda golayaashada dowladda Federalka Somalia, Puntland, Madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Farole, Ra'isal wasaarayaashii hore Somalia Cali Maxamed Geeddi iyo Cabdiwali Sheekh Axmed, siyaasiyiin, waxgarad, odayaal dhaqameed, dhalinyaro, haween iyo marti sharaf katimi gobollada Somalia iyo dalalka jaarka la ah waddankeenna.

Khudbado kala duwan oo ay jeediyeen mas'uuliyiinta iyo dadkii madashada ka hadlay waxaya dhammaantood Puntland Puntland ku ammaaneen hormarka socda iyagoo booriyay in horay loo sii wado.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo kahadlay fulinta mashruucan islamarkaana u mahadceliyay shirkadda China laga leeyahay ee dhistay garoonka ayaa tilmaamay inay sii wadayaan hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuuna xusay inay dhawaan imaan doono markab sida qalabka lagu ballaarinayo dekedda Bosaso.

Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole oo xilligii uu madaxweynaha ahaa lagu guuleystay mashruucan keenistiisa ayaa u mahadceliyay deeqbixiyaasha taageera Puntland gaar ahaan Talyaaniga, wuxuuna soo jeediyay in horay loo wado.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud oo kasoo qayb galay daahfurka garoonka Caalamiga ah ayaa u riyaaqay hormarka socda, wuxuuna sheegay in guusha lagaaray Somali oo dhan u soo hoyatay isagoo carrabka ku dhuftay inay taageero ka gaysandoonaan wax walba oo dalka Somalia lagu hormarinayo.

Garoonka ladaah furay ayaa la jaanqaadi kara kuwa caalamka, waxaana deeqda lagu dhisay bixisay dowladda Talyaaniga iyadoo dhistay shirkadda lagu magacaabo CCECC ee laga leeyahay waddanka China.

Madaarka Caasumadda Puntland ayaa hadda gacanta lagu hayaa waxaana dhismihiisa ku guulaysatay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM