​Garoonka Diyaaradaha Garowe oo Daamurkii lagu bilaabay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Shaqada laga hayo Garoonka Diyaaradaha Garowe ayaa la filayaa in lasoo gabo-gabeeyo bisha soo socota, xilli la qorsheeyay in xariga la jagayo bartamaha November, 2017.

Wajigii ugu dambeeyay ee ahaa Dhigista Daamurka ayaa saaka la bilaabay, waxaana munaasabad Duco, Quraan Akhris iyo dhiirigalin isugu jirtay lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Garowe iyadoo ay goob joog ahaayeen Senator Cabdiraxmaan Farole, mas’uuliyiinta wasaaradda Duulista, Hawada iyo Garoomada Puntland, Islaam Ciise Islaam Maxamed, waxgaradka gobolka Nugaal, mas’uuliyiinta iyo shirkadda dhisay Madaarka.

Mas’uuliyiinta ayaa xog waraysi ugu tagay shirkadda dhisay Garoonka ee laga leeyahay dalka Turkiga iyagoo wax ka waydiiyay halka shaqadu marayso, waxayna tilmaameen in guul uu ku dhowyahay mashruuca lagu dhisayo Airport-ka Garowe.

Wafdigan ayaa sidoo kale booqday Halka ay ka socoto shaqada ugu badan oo ah goobta la dhigay warshada isku labaysa Damuurka iyo Jayga loogu talo galay garoonka, waxayna goob joog u ahaayeen Tijaabo ay samaysay shirkaddu kaasoo lagu ogaanayay in Daamurkan uu u qalmo Dhabaha ay ku ordaan Diyaaraduhu.

Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Farole, ayaa shirkadda iyo mas’uuliyiinta gacanta ku haysa garoonka gaar ahaan Guddigii loo xil saaray layr galinta Madaarka uga mahadceliyay howsha adag ee ay hayaan, wuxuuna intaas ku daray codsi uu u jeediyay dadkii laga sugayay lacagihii qaaraanka ah ee loogu talo galay Garoonka.

Farole ayaa tilmaamay in shaqadii ay wadeen ee ahay Layr galinta Garoonka mardhow la bilaabi dooni, isagoo xusay in qofkasta oo ka gayb galay dhismaha garoonka taariikhdu xusi doonto.

Dowladda Kuwait oo ku deeqday lacagtii lagu dhisay wajigii hore ee Garoonka hadana laga sugayay inay bixiso 5 Milyan oo lagu dhisi lahaa Wajiga 2aad, balse aan waliga laga helin ayuu u diray fariin ah inay dhammaystiraan Garoonka, isagoo dowladda Federaalka iyo Puntland ka codsaday inay ka shaqeeyaan qaabkii deeqdaas lagusoo dhammaystiri lahaa.

"Dowladda Kuwait gaar ahaan Agency-ga Kuwait Fund oo kaalmada lasoo mariyay waxaan leeyahay hasoo dhammaystirto Lacagtii loogu talo galay in lagu dhiso wajiga Labaad ee Garoonka oo ilaa hadda gacanta lagu hayn, hadii laga waayo ha ogaadaan hade China ayaan ka codsanaynaa inuu noo dhammaystiro ee ha ka masayrina," Ayuu yiri Farole.

Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo qaar kamid ah Guddiga ka shaqaynayay garoonkan sidii shaqadiisa loo ebyi lahaa ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay waligood isku duubnaadaan oo ka shaqeeyaan sidii ay u dhisan lahaayeen mashaariic kuwan ka waaweyn.

Wasiir dowlaha wasaaradda Duulista hawada iyo Garoomada Puntland, Cabdiqani Kaneec ayaa cadeeyay in lagu guulaystay mashruucan islamarkaana u mahadceliyay dhammaantii intii lug ku lahayd dhammaystirkiisa, wuxuuna intaas ku daray in wixii hadda ka dambeeya la sugayo xarig jarka oo kaliya.

Garoonkan oo shaqadiisu socoto muddo sannad ah ayaa lagasoo maray howl adag waxa dadaal ku bixiyay dowladda, madaxweynihii hore hadana ah Xildhibaan katirsan Aqalka sare, waxgaradka gobolka Nugal iyo ganacsato.

Halkan ka Daawo Muuqaalka oo Daamur-dhigista oo Dhammaystiran

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM